|
|
|
Dadoow Gaalnimo Hawdagdagina Ruuxii aaminsan in Dastuurka Soomaliland/Soomaliya iyo kuwa lamidka ah, Diinta Islaamka waafaqsan yahay oo in laysku xukumaa sax tahay qofkaasi waa mid aad u lunsan. Dadka sidaas u fikiraayoow! waxaa idinla gudboon inaad aad u fikirtaan oo aad fahantaan Ujeedad Alle SWT iidiin abbuuray oo ugu talo galay inaad Caalamakan mudo ku noolaataan. Waxa aad idiinku haboon inaad Allaah u toobat keentaan, diintiisana barataan oo ku dhaqantaan si dhab ah. Allaah, Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
" Jinniga iyo Insiga (bini Aadamka) waxaan Cibaadadayyda ahayn uma abuurin." (Ad-Daariyaat: Aayada:56) Culimada Islaamku waxay isku raaceen qofkii qowlka Alle iyo wax kale sima noocu doono ha noqdee ee yidhaahda waa isku mid ama way wada shaqayn karaan oo labaduba waa Dimuqraadiyad ama dastuurku ma khilaafsana diinta islaamka qofkaasi si toosa oo cad ayuu u gaalobay diintana uga baxay. Xaataa hadii uu yidhaahdo wakhtigan xaadirka ah suurta gal ma aha in diinta laysku xukumo, Waxaana u daliila Aayadan Quraanka ah: Allaah, Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
"Cidaan Xukumin Wuxuu soo Dejiyey Alle Kuwaasi Waa Gaalo uun" (Suuradda Al-Maa'ida:44). Allaah, Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:
Waa igu Rabbigaaye rumayn maayaan jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan, dabadeedna wixii aad go’aamiso ku qancaan oyan wax dhibsi iyo culeys ah iska dareemin, hoggaansamidna u hoggaansamaan wixii aad go’aamiso”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:65). Baarlamaanka iyo Waaxaha Sharcindajinta Dawlada Allaah Subxaana Watacaala isagoo la hadlaaya dadka sharciyada iyo xeerarka dajiya ee loo yaqaan Wakiillo (Parliaments) wuxuu yidhi:
Ma Ilaahyo yaal (shurakaa) bay yeesheen dadku u Jideeya Diinta iyo dhaqanka xagiisa oo aanu Ilaahay u ogalaan una fasaxin (diintaas iyo dhaqankaas ay ku xukumin), Kalimadii Alle ee kalasaarku hadaanay jirin (Qiyaamada) dhexdooda waa la kala go’aaminlahaa, Dulmi Falayaasha (daalimiinta) waxaa u sugnaaday caddaab daran. (Suurada Ash-Shuuraa:21). Aayadu waxay bayaamisay qaybteeda hore: Dadka sharci dajiyaa inay isku dayeen kaalintii Ilaahay lahaa inay buuxiyaan ama ay Ilaahay ku haystaan Xaqiisii. Sidaas darteed buu Ilaahay yidhi ma Ilaahyo ayey yeesheen wax Jideeynaaya. Waxa kale oo Aayadu cadaysay: Inuu Ilaahay umad Nidaam iyo Sharci u dajiyo oo Rusul ugu soo dhiibo dadkuna sidaas ay ku qaataan taas Ilaahay baa iskaleh oo ay gaar u tahay Isaga. Sharcidajinta Ilaahay oo qudhaa iska leh. Aayadu waxa ay tilmaantay cidii isku dayda inay sharci & xeerar samayso inay tahay cid ilaahnimo sheegatay oo tidhi Kitaabka Qur’aanka ah ee Alle iyo Sunadii Rasuulkiisa Muxammed (SCW) waanu ka kaaftoonay oo anagaa sharciyo iyo xeerar ka fiican samaysanayna. Arrintanina waa qayb aad u muhiim ah oo Tawxiidka ka mid ah, oo Naf Alle iyo Maalinta Aakhiro dhab u rumeeysay aan wax ka suurooba ahayn. Waxa kale oo Alle bayaamiyay waxaan diin ahayn oon Ilaahay idmina cidii diin iyo Sharci ka dhigata iyo ka ku raacaba waa cid halaagsantay oo daalim ah, Caddaab darana u sugnaaday. Markaas yaan la faragalinin arrintaas Gaaladaa taas kuwaalatay oo kamay faa’iidine dadka muslimiinta ahina yayna daba raqlaynin oo diintooda iskaga ciyaarin, ee ha kahadheen intay goori goortahay. Doorka Dadka Muslimiintaa u yaala waxa weeyaan Qur’aan iyo Xadiis. Waxyiga samaawigaa ee Alle siiyay inay sharaxaan, inay fahmaan, inay wax iska waydiiyaan iyo inay kawada tashadaan fulintiisa, taas ayuunbaa u taala. Laakiin in mid kale laga barbar jideeyo waa ta taagan hada. Diinla’aantu waa cudurka ku dhacay dadka muslimiintaa ee ay ka soo kabanlayihiin adhaxdana ka jabiyey. Taas oo keentay in diintoodii loo caayay dabadeedna ay qawadeen oo rumaysteen cadowgoodii (Gaalada). Ducfiga iyo Caddaalad darrada Caalamul Muslim haysataa waxaa weeye Xaqa & Caddaalada Alle SWT uu ugu deeqay farayna inay muslimiintu caalamka oo dhan gaadhsiiyaan ayay faraha ka qaadeen, kana doorteen in gaalo cadowgaada iyo cadowga Ilaahay ah ay u nacamleeyaan una kala dheereeyaan iyaga oo isu dulaynaaya. Way badanyihiin aayadaha ku soo aroorey cidii xukun ama xeer iyo nidaam ka dhigata wax aan ahayn Kitaabka Qur'aanka ah. Calaamkan aynu ku nool nahay Illaahay umu idmin inay isku xukumaan ama ku dhaqmaan wax aan ahayn sharcigiisa oo ah Qur'aanka sharafta leh iyo Sunada Rasuulkiisa Muxammed (S.C.W). Cidii aan ku dhaqmin labadaas ee rabta inay wax kale dhaqan iyo xukun ka dhigtaan waa cid ka gaalowday oo beeninaysa Allaah SWT iyo Rasuulkiisa S.C.W. Ashahoodo aad afka oo kaliya ka tidhaahdaa waxba ku tarimayso lagaana aqbilimaayo hadii aadan rabin inaad diinta Alle ku dhaqanto kana run sheegto. Hadii tawxiidku kaa dhabyahay waa inaad ka tagtid wuxuu Alle iyo Rasuulkiisu SCW kaa reebeen. Waana inaad fulisid wixii Alle & Rasuulkiisu ku Fareen oo aanad dhinacnaba uga leexan. Qofkii Alle iyo Rasuulkiisa Rumeeyay raali bu ka yahay inu ku dhaqmo Xukunka Alle iyo Dariiqa Rasuulka (S.CW) Caqiidadiisuna waa inuu ka soo horjeedo Cid kasta oo rabta inay baabiiso sharciga Alle. Ruuxa muslimka ahi ma jecla Qaanuunada laga soo qaadanaayo gaalada Xaqii Alle beenisay umana gargaaro dad diintiisa ka soo horjeeda oo dagaal kula jira habeen iyo maalinba. Ma waxaad mooday in Dastuurka Soomaliland ka koobanyahay aayado Qur'aan ah iyo Xadiisyadii Rasuulka (SCW). Hadii aad sidaas mooday bal ka soo saar waa kane: Somaliland Dastuur waa qoraal af Soomali ah oo ku salaysan waxa ay ugu yeedhaan Dimuqraadiyad waliba lago soo min guuriyay Nidaamka Maraykanka. Dastuurka Somaliland waxaa asal u ah dimuqraadiyad oo micnaheedu yahay kalmad asalkeedu ka timid Greece "Demos" oo lagu micneeyey kalmad English ah "The People" (The Rule of Many). Hadii aan sii qeexo waxa weeye dadka oo yidhaahda hanalagu xukumo kolba wixii intayada badani rabto. Waxa kale oo lagu magacaaba "Nidaamka Aqlabiyada Badan" (Majority Rule) oo micnaheedu yahay in kolba dadka codka ugu badan hela ay tooda uun noqoto. Marka Jawaabta la soo gaabiyo waxa weeyaan Hawadaada Raac. Daka oo hawadooda raaca waa tiirarka ugu muhiimsan ee ay Diinta Islaamku madnuucday oo ka reeban. Waxa kale oo weeyaan Sababaha Alle Rususha inoogu soo diray waxyigana ugu soo dhiibay dadka si ay ugu digaan maalinta Qiyaame ka hor. Alle SWT isagoo Rasuulkiisa (SCW) Lahadlaaya si uu inoogu digo dadkuna anay hawadooda u raacin wuxuu yidhi:
Waxaas dartiis ugu yeedh dadka, Utoosnowna sidii lagu faray, Hana raacin hawadooda, Waxaadna dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaab ah, Waxaana lay faray inaan u caddaalad falo dhexdiina, Eabana waa Rabigiin iyo Rabigay, Waxaa noo sugnaaday waxaan camal falo, Idinkana waxaa idiin sugnaaday waxaad camal fashaan, Doodina inama dhextaalo Eebaa kulmin dhexdeena, Xaggiisaana loo ahaan. (Suuradda Ash-Shuuraa:Aayada 15) Aayadani waa aayad weyn, waxay kulmisatay toban eray oo mid walba kan kale ka gaaryahay oo wada Amar iyo Reebid iyo Toosin ah. Waxaana la mid ah aayatulkursi, waxaana ka mid ah waxyaalaha u waaweyn: 1. Allaah oo dadka loogu yeedho: Waxay tilmaamaysaa inay qof walba waajib ku tahay inuu dadka xaqa ugu yeedho, Sidaas Rasuulkii Alle (SCW) loo faray ayay ruux walba oo Muslim ah isna waajib ku tahay inuu Dadka faro inay diinta qaataan, ku dhaqmaan, xukun ka dhigtaan, Salaada tukadaan, Sakada Bixiyaan, wixii Alle & Rasuulkiisii ka reebeen ka tagaan, wixii ay u ubaneeyeena qaataan. Waxa kaliya ee umada hagayaana yahay Kitaabka Qur'aanka iyo Sunada. 2. in la toosnaado oo aan diinta laga baydhin: Waxay tilmaamaysaa oo kale in qofku tan uu dadka ugu yeedhaayo uu ku toosan yahay isagu marka hore, markaas ayay dacwadiisa iyo diintiisu micno samayneysaa oo midho dhalaysaa qiimana yeela naysaa, kalmada noolna qalbi noolbay ka soo baxda. Qofku waa inuu diinta si toosa ugu dhaqmo oo aanu dhinacna uga baydhin, maaha inuu sida diin laawayaasha (Cilmaanida) diinta ugu dhaqmo oo ah inuu diinta badhna qaato badhna ka tago. Diinta oo qaybna la qaato qaybna laga tago waa shuqulka reer bini Israa'iil & Nasaarida ee maaha dhaqanka Muslimiinta, hadii aad aragtay qof muslim sheeganaaya oo diinta ku jees jeesaaya maaha muslim dhaba ama waa munaafiq kaas oo alaah uu Qur'aankiisa inoogu sheegay inuu galaayo Naarta naaraha ugu hooseeysa Alle ha inaga dhawree. 3. in aan hawada gaalada la raacin & Qannuunadooda: Dadku waxay raacaan oo aan ahayn diinta islaamka wax kasta ha ku sheegaane waa hawo,hawaduna marna jilaajin bay noqotaa marna xaggaa, marba dhan bay ka soo dhacdaa oo meel loogu hagaago malaha dadkuna way ku waashaan uun hadii ay hawada raacaan, cid kasta oo aan dadka diin iyo islaanimo ugu baaqayna manhajkeedu waa hawaa. Cidii dimuqraadiyada ka doorata diinta Islaamka sida aayada ku cad waa cid Hawadeeda Raacday (Gaalo). 4. in Dadka caddaalada lagu maamulo (Diinta): IImaanka dhamaystiran ee aan qolo, qabyaalad iyo eexasho midna lahayni ee caddaaladi ka buuxdaa waa Diinta Islaamka ee isku xukuma ayuu Alle ina leeyahay, cidii qawada ee ku qanciwaydana wuxuu Rabi cadeeyay cidhibteeda aakhiro iyo aduunba waxay lakulmi doonto. 5. in la ogaado in Eebe Ilaah u yahay Dadkoo dhan: Waxaa waajiba qofku inuu oogaado marka uu qiraayo ashahaadada inuu leeyahay waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyaane. Allaah baa khalqiga oo dhan iska leh awood iyo xeelad oo dhana u sugnaatay, Jin iyo Insina umuu abuuran inay isaga caabudaan mooyaane, markaad Salaada tukunaysid waa inaad fahanto inaad Ilaahay lahadlaysid oo aad faataxada akhriyaysid leedahayna MAHAD OO DHAN ALAAH BAA ISKA LEH EE BARBAARIYAHA CAALAMKA AH, EE NAXARIIS GUUD IYO MID GAARBA NAXARIISTA, EE HANTA MAALINTA ABAALMARINTA (QIYAAMADA), ADIGA UUNBAAN KU CAABUDAYNAA RABIYOOW ADIGA UUNBAANA KAA KAALMO WAYDIISANAYNAA. (AL-Faatixa:2-5). Hadaba maadaama aad sidaas leedahay maaxaa marka dhibaato kula soo darasto kugu kalifa inaad gaalada kaalmo waydiisatid. yacni waxaa jirta in dalal badan oo muslim ahi u arkaan in gaalada galbeedka oo qudha ay kaalmo hayaan taasina waa kufri. sida reer Soomaliland oo ku faana inay yihiin dimuqraadi caalamka gaaladana ka barya inay citiraafaan iyaga oo sharcigii ilaahayna diiday inay isku xukumaan kuna dhaqmaan. Maxay citiraaf bini aadam ku tari hadii aanu Ilaahayba ku citiraafin sow doqoniimo maaha. 6. in aan wax qarsoon jirin oo Diinta Islaamka ah: Diinta Illaahay wuu inoo dhamaystiray wax walba Alle wuxu ku cadeeyay kitaabka Qur'aanka ah, Allaah wuxuu inoo sheegay inay nolasha aduunku tahay maalmo gaaban laakiin aakhiro dambayso qofwalbana camalkiisa laga amaalmarin, qofwalba wuxuu samaynaayo Alle wuu arkaa. 7. In Cid walba Camalkeeda Masuul ka tahay: Rabi wuxuu inoo cadeeyay in cid walba camalkeeda uun laga abaal marin doono maalinta abaali marinta. Waxa kale oo ay aayadu tilmaantay in laga bari noqonaaayo dadka diida diinta oo uu Ilaahay aakhiro kala xukumi doono qof walbana camakiisu raaci doono. 8. Eeboo Lagu Doodo Inta Xaqu Caddaaday waa wax kama jiraan iyo ciqaab Eebe tahay: Qof aan rabin inuu diinta ku dhaqmo ama gaalo rabta inay xaqa beeniso xuja la'aan ayaa diinta muran iyo wax aan waxba ka jirin ku meeraysata. 9. In Eebe soo dajiyay Qur'aanka iyo Caddaalada: Kutubtii Ilaahay iyo Rusishiisii oo dhan in lawada rumeeyo oo Nebi Muxammed (SCW) iyo Nebi Ciise (C.S) aan midnaba la diidin.In Sharci dajintu Ilaahay oo kaliya u gaartahay. Rushushan waxa Ilaahay uu ugu soo diray dadka waxa weeyaan in caddaalad laga xaqiijiyo caalamka, gaal iyo Islaamba qof waliba waxa uu xaq u leeyahay helo. Ilaahay agtiisa umadu way siman yihiin cid xoolo, maal, madaxtinimo midna ugu kala dhowi majirto. Cadaabka aakhirana ka badbaadaan halkaas oo ah meesha loo noqon doono ee naf walba huran ahna guri lagu waaraayo ruux walbana uu heli wixii uu ifka ka shaqaysto. 10. In Eebe Loo Noqon: Ilaahay agtiisa umadu way siman yihiin cid xoolo, maal, madaxtinimo midna ugu kala dhowi majirto. Waxa kale oo ay aayadu tilmaantay in laga bari noqonaaayo dadka diida diinta oo uu Ilaahay aakhiro kala xukumi doono qof walbana camakiisu raaci doono. Bal day weynida aayada iyo inta wax ee ay koobtay ee ah: Reebid, Amar iyoToosin. Bal ka u doodaaya in dumqraadiyad iyo xeerarka gaalada, ama dhaqanada bulshada lagu dhaqmo ha keeno daliil cad oo jidaynaaya. Anigu waxaan si cad oo aan gabasho lahayn u odhanayaa dadka rabaa in dimuqraadiyad iyo xeerar ladajistay lagu dhaqmo waa daalimiin raba inay dadka diinta ka leexiyaan. Qof jaahil ka ah diinta Alle ama iska diidaaya xaqa ayaa qawada in laysku xukumo diinta. Allaahu Aclam Lasoco Qaybaha Dambe hadii Eebe Idmo.
|
Islamic Links
|
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay
Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
admin@alimuse.com Wixii figrad
ama rayi bixina aad baanu u Jecelnahay.
|