|
|
shurkiga ku sugan xukunka Islaamka oo laga doorto wax kale,Ayadan Qur'aanka (an-Nisaa-47) Allah SW wuxuu leeyahay:. (Madhaafo dambi ah in loo shariig yeelo, lakiin wuu dhaafa wixii intaas ka soo hadha ciduu doono, qofkii illaahey wax kale lacaabuda wuxuu abuurtay dambi aad u weyn). halkan waxa illaahey uu ku tilmaamay bini adaamku dunuubt ay galayaan inay kala duduwantahay in qaarkood illaahey anu dhaafahayn qaarna uu dhaafayo haduu doono ka ugu daran ee masiibada ugu weyn ahi waxa weeye taa gaalnimda layidhaahdo illaahey baynu ka magan galney ee qofku haduu illaahey ka gaalobo sidaana ku geeriyoodo isagoon toobad keenin Allaah wuxuu ayaada qur'aanka ku cadeeyay inaanu ka dhaafeyn ee naaruun qofkaasi ku waaraayo. Lakiin dunuubta kale ee aan gaalnimada ahayn ee soo hadha waxay ku sugan yihiin (Taxatih Mashii'atilaah) Allaah haduu doono wuu ka dhaafayaa hadii kalena intuu u ciqaabo oo uu ka jaro ayuu janada keenayaa qofkaas.
Shurkiganow hadaba siyaabaha qofku diinta uga baxa aad bay u dhib yartahay oo kalmad kaliya oo kalimatul kufri ah oo uu ku dhawaaqo weeye, ficil kali ah oo uu sameeyo wuu ku gaaloobaya oo afcaasha lagu gaalobo ka mid ah, isagoo ka niyooda qalbiga wuu ku gaalobi kara intoodhanba. .
1 Wax yaabaha shirkiga ah waxa kamid ah isagoo qofku cid aan illaahey ahayn caabuda oo cibaadadii siiya sida Salaada, Soonka, Xajka, Sakada, Gawraca. Wax yaalahaas oo dhan haduu cidkale siiyo oo aan illaahey ahayn bini adam, shaydaan, dhagax wuxuu doono ha ahaade wuu ku gaaloobaya Ruuxu .
2 Wax yaabaha aan laysku khilaaf saneyn waxa ka mid ah ee ilma Aadamku uu ku gaaloobaayo diintana kaga baxaayo (Ataxaakum illaa Qeyri Sharcillaah) waa dadkii oo sharciga illaahey waxaan ahayn ka dhigta xukun, oo dawaaqiiqda kuwaa layidhaahdo ama Daaquudka waa wax kasta oo la caabudo oo aan illaahey ahyn ee taana dadkii waa ku gaaloobayaa. Ayadan 65aad ee soo socota Suratul an Nisaa ayaa daliil u ah.
Allaah subxaana Watacaala waxa uu yidhi
Allaah baan ku dhaartaye Muumin noqon maayo bu llaahey leeyahay qof aan xukun iyo sharci & nadaam ka dhiganin nidaamka islaamka ee (Nabi Maxamedow) lagugu soo diray. Waa Gaalnimo (Ashurki fil xaakimiya) hadii Xukunkii illaahey Adoonku ka baydho, oo Cidkale runtii Garsoorkii, Xeerkii iyo nadaamkii meel kale ka soo qaadanayo, Daaquud buu noqonayaa cibaado uu caabudo na weeyaan. Markaas illaahey sida uu u leeyahay cibaadadan kale ee Soonka, Salaada iyo Xajka ee isaga looga gudanaayo, dartiina wax loogu gawracaayo sidaas oo kale ayay tahay Nidaamka,Xeerka & Sharciga laraacayo in isagu lahaado oo noqdo kaa uu isagu jideeyay ee Qur'aanka iyo Sunada Rasuulka (SCW) ku yaala sidaas weeyaan. Waxa illaahey uu tilmaamay halaag weyni in uu ku dhacay qofka shirki iyo gaalnimo la yimaada nocyadaa leh. Aayadan soo socotana waxa layidhaahda Ayatul Umurraa (waa ayada 58aad ee an Nisaa) waana ayada illaahey kula hadlayo dadka madaxda iyo masuuliyiinta ah, Ayadan kasii danbaysana iyadana Raciyada iyo dadka madaxda looyahay ayaa illaahey kula hadlayaa. Labadan ayadood iyo ayaadka kusii xiga waxaay ka hadlayaan qayb aad u Muhiim ah oo ku saabsan dadka runtii qeybaha ay yeelanayaan iyo noloshoodaba, waana qeybta Hogaaminta layidhaahdo ama. Waxa aynu halkan ka bilaabeynaa Nidaamka siyaasadeed ee Islaamku leeyahay, ama (Siyaasatul Shareeciyah) Siyaasada shareecada Islaamku ay leedahay. Waa Hogaaminta ugu fiican ee illaahey uu u doortay adoomaha.
Markasaad arkaysaa iyadoo Madaxdii & Masuuliyiintii illaahey la hadlaayo iyo hogaamintii umada, dadkii raciyada ahaana wa uu lahadlayaa, mid walba wuxuu u tilmaamayaa waajibka saaran ee ay tahay qofkaasi inaanu ku gabood falin ee inuu gutaa ay haboon tahay. Markaasa illaahey hadana wuxuu ka sii hadli doonaa oo uu bayaaminayaa qaar munaafiqiin ah oo aan raali ka ahayn manhajkan siyaasadeed ee nolasha ku saabsan, ee illaahey uu adoomaha u keenay. sideedabana waxaa jirta nidaamka Dowliga ah. Markay gaaladu ka waramayaan waxay yidhaah daan Dawladi waxay ka koobantahay Saddex qaybood, nidaamkaa hogaamintee qiyaadada:.
1 AWOODA SHARCI DAJINTA, 2 AWOODA XUKUNKA, ee Maxakamadaha wax kala xukumaysa, 3 AWOODA FULINTA. oo tusaalaha ahaan maxakamadihii oo kale maxakamad dugsoon ama maxakamadahii kale ee kasii hooseyay ee madaxa banaana ha ahaate waxay iyaga ku tilmaamaan waaxda awooda xukunka. Majliskan (Parlament) na waa majliska Qanuun Dajinta ayay yidhaadaan, kan Dawladnimo ama xukuumadookale iyaguna waa kii fulinta ayay yidhaahdaan. Laakiin waxa aad fahantaa aragtida uu islaamku ka leeyahay iyo sida uu u qayaxay nadaamka dawladeed, runtii malaha islaamku kaa tashriicaa, mid wax jideeya ama isagu wax soo saara malaha maxaa yeelay illaahey baa sharcigii dhigay oo ah ayaadka, Axaadiista ayay wax walba ku qoran yihiin takaliyee umada laga doonayaa waa inay raacaan.Sidaynu xagan danbe ku xusi doono waxa jiraaya iyagu Golo latalineed oo latalinayaa Masuulka Sare iyo Hogaamiyaha dadka muslimiinta ah waxaana layidhaa (Majlisul Shuuraa) majliska talada siinayaa Imaamka hogaaminaya Dadka Muslimiinta ah, lakiin majlis ama Parlment dajinaya Sharciga majiraayo isagu. Dhinacan Maxakamadaha iyo Madaxdii Gobalada iyaguna way jiraan. Lakiin nadaamkan uu illaahey imika ka hadlayaa waxa weeye nidaamkan fulineed ee Xukumadiisaleh ee Maxakamadihiisa leh ee Ciidankiisa leh, ee fulinaya Shuruucdan illaahey uu dhigay ee Ayadka iyo Axaadiista ku xusan waana nadamkii uu Nabi Maxamed (CSW) ficil ahaan uu ku muujiyay ee hormuudka uu ka ahaa.
Markaasaa Allaah SW wuxuu leeyahay (An Nisaa-58)
illaahey wuxu idin faraya dadka muslimiinta ah hadii aad tihiin Amaanooyinka inaad Ehelkeeda u gudataan (cidii lahayd).Markaad Dadka kala xukumaysaana inaad Sharcigaa illaahey uu idiin keenay ee Cadaalada ah ku kala xukuntaan. Allaah waxa uu idin ku waaninaya Xaqaas baa u wanaagsan, ka fulinaya iyo ka kalena wuu kala arkayaa.
Ayadan soo socotana wuxuu illaahey kula hadlayaa Raaciyada iyo Dadka madaxda loo yahay:.(An-Nisaa-59)
Allaah waxa uu leeyahay dadkii illaahey rumeeyayow illaahey adeeca, Rasuulkiisa (Maxamed) na adeeca, Dadka Madaxda idiin ahna adeeca, hadii aad shay ku murantaana u celiya Qur'aanka iyo Xadiiska, wixii ay ka yidhaah deena ku camal fala, hadii aad rumaysantihiin illaahey iyo maalinta aakhirro, Arimahaa la soo sheegay oo aad fashaan weykhayr badan tahay, masiirka aakhiro ee danbana taasaa idiin fiican.
Dadkii Masuuliyiinta ahaa ayuu illaahey uu la soo hadlay, wixii waajib ahaa ee la gudboonana wuu soo tilmaamay, dadkii raciyada ahaa ama laxukumayay na waajibkii saaraa ayuu illaahey halkan uu ku xusay oo uu faray inay illaaahey adeecaan, Rasuulkana adeecaan, wixiii laysku afgaran waayena ay ilahay kitaabkiisa iyo axaadista u celiyaan sidaasbana aduunyo iyo aakhiraba u fiican.
Waxa Allaah SWT leeyahay (An-Nisaa-60) Miyaanad arkayniin (Nabi-Maxamadow) kuwa sheeganayaa inay rumeeyeen Xaqa lagugu soo dajiyay iyo waxyigii hortaa la soo dajiyay, waxay doonayaan hadana shaydaan inay garsoore ka dhigtaan oo ay u xukun dhiibtaan, waxana lafaray inay ka gaaloobaan ka shaydaanka layidhaah wuxu doonayaa inuu lumiyo lumin fog, marka lagu dhaho u kaalaya waxyiguu Ilaahay soo dajiyay, Nabi Maxamed u kaalaya kolka ladhahana ha idin kala xukumee dadka gaal naceyb caloolada qaba ayaad arkaysaa iyagoo kasii jeedsanaaya Jeedsasho. Wali waxaynu ku dhex jirnaa arimihii ku saabsanaa xukunka & cadaalada Islaamka iyo cida diida nusqaanta ay leedahay, waa siyaasadii sharciga ee Islaamiga ahayd ee fiicnayd. Hakan waxa uu Ilaahay ku tilmaamaya cidii raali ka noqon wayda xukunka ilaahay & sunada Rasuulka (S.C.W.) waxay iskula tagaan Daaquud &shaydaan uun inay tahay & wax raacidiisa xadka laga baxaayo waana astaamaha Munaafiqiinta. Awooda Sharci Dajintu Ilaahay bay gaar u tahay sida Salaada & soonka ay gaar ugu yihiin, cidii kula loolamaysa waa cid lacaabudaayo oo ka xeerka ka qaataana uu caabudaayo markaas, mana aha arin sokeysa runtii ee waa arin aad iyo aad dhibkeedu u badanyahay in dadku ay ka fiirsadaana ay tahay. Sabata ay ayadan lixdanaad ay ku soo dagtay waxay ahayd Ninka layidhaah Subeer ibnu cawaan iyo Ninkale oo ansaarta ka mid ahaaba isqabsaday, waxa laysku qabsaday beer biyood markaas qofka ay ku soo horeynayaan in buu lahadhijiray dadka kasii hooseyna in buu u sii deynjiray markaa baa Subeer ayay beertiisu xaga kore xigtay deedna Ninkii kala yidhi biyihii intii aan xaq u lahaa ayaad iga dulmidayod ood iga nusqaamisay, Nabigu (S.C.W) arinkoodii buu eegay waxa uu yidhi Subeerow Ninkan biyaha u kordhi oo u siidaa, arin aan garba loogu lahayn buu suluxnimo ku faray Nabigu (S.C.W) Subeer mooye Ninkii kale ayaa qalad u fahahmay waxanu yidhi Ninkan Subeer la yidhaah Nabi Maxamedow waad isxigtaan sidaas darted baad ugu eexatay. Nabiguna wuu xanaaqay (S.C.W) oo sidii cadaalada ahayd & wixii uu subeer xaq u lahaa ayuu u xukumay oo wuxu yidhi biyaha wixii aad xaq u layhd Subeerow gooso wixii kalana sii daa markaa, kolhadii Ninkani garanwayay wixii suluxa ahaa gooso wixii aad xaq u leedahay adigaaban subeerow kuu xukumay xaqaagiiye.Markaas buu Ilaahay Aayadan soo dajiyay iyadoo dadka noocaasa ee xukunka nabiga muranka kakeenaya uu canaanaayo. Allaah isagoo lahadlaaya munaafiqiinta Xaqa diida wuxuu yidhi (An-Nisaa-71) Marka lagu yidhaahdo u kaalaya wuxuu soo dajiyay Allaah iyo Xaga Rasuulka Waxaad arkaysaa munaafiqiinta oo kaa jeedsanaaya jeedsasho.
17 August 2007 Xukunka dhabta ahai waa ka Allaah ... For More Information Contact: |
Islamic Links
|
|