|
|
Dimuqraadiyadda Asalka ah, Waa Maxay Dimuqraadiyadu? Dimuqraadiyadu asalkeedu waxay ka timid kalmada Giriiga ah ee “Demos” taas oo micnaheedu yahay dadka (The People). Hadaba dumuqraadiyadu waxa weeyaan dadka kolba intii badani waxay tidhaahdo hanalagu xukumo oo lagu xukumo kadib marka la codeeyo ama gacanta lataago. Hadaba sidaynu horeba u soo xusanay Dimuqraadiyada micnaheeda guud waa "Hawaddaada Raac Diin La'aan." Dalalka Reer Galbeedka oo hormuud u ah kuwa had iyo jeer dunida la hor horda dimuqraadiyada kuna faana inay cadaalad kula dhaqmaan dadka shicibka ah iyo xuquuqda bini aadamka, hadana waxaynu ogsoonahay inaanay wax caddaalada ku dhaqmin ee ay yihiin kuwa ugu dulmiga iyo xadgudubka badan ee fasahaadiya dhulka wakhtiyadan waana idinka arkay inay maalin walba dal ku duulayaan, xaqooda iyo khayraadkoodana boobayaan. Taasina waa dulmi iyo fasahaad ee maaha caddaalad. Inkasta oo dawlada dimuqraadiga ahi qaab dhismeedkeeda aduunku ku kala duwanyahay hadana waxaa jira waxyaabo ay yidhaahdaan waa u asal oo dawladaha dimuqraadiga dastuuradoodu ka simanyihiin oo ku qoran, asalna u ah. Dawlada dimuqraadiga ahi, waa mid ay masuuliyadeeda iyo awoodeeda ay leeyihiin dhamaan wadaniyiinta oo dhami, isla mar ahaantaana ku timaada codayn xor ah oo dadka shicibka ahi ay si xora ugu codeeyaan. Hadii ay baarlamaan tahay iyo hadii ay madax weeyne tahayba. Dawlada dimuqraadiga ahi waa nidaam asaasi ah, oo loogu tala galay in lagu dhawro laguna illaaliyo xuquuqda dadweynaha iyo xornimadooda. Waxa weeye dastuur xor ah, oo illaalinaaya xornimada waddaniyiinta dhamaantood. Dimuqraadiyadu waa nidaam ku salaysan kolba tirada badan in tooda la raaco oo lagu socdo, iyada oo dadka tirada yar ee lagaga badiyay tartanka doorashada ama lagaga guulastay figradooda ay mar walba cadaalad iyo xuquuqdoodda helayaan lana mid yihiin dadka kale. Dimuqraadiyada marka sideeda loogu dhaqmaayo waxay caan ku tahay in la ixtiraamo lana raaco aqlibiyada badan figradooda. Waa in la dhawro xuquuqda aassaasiga ah ee qofka ama kooxaha oo aan marnaba lagu xadgudbin. Dimuqraadiyadu waxay had iyo jeer illaalisaa dhamaan dawladaha dexe in aanay helin awoodo badan oo u sahli kara inay ku xad gudbaan xuquuqda shicibka iyo xornimadooda. Waxaanay u qaybisaa awoodaha gobolada iyo dawladaha hoose si siman oo anay waaxina waax ku xad gudbikarin ee ay awoodeeda ay wax ku fulinayso ay u madax banaanadaan. Waxaa muhiim ah in la helo oo ay jirto dawlad hoose oo dadka masuul ka ah, shaqadeedana sideeda u qabata. Waa in si wanaagsan loo fahmo dimuqraadiyada ujeedooyin keeda ugu waawayn inay ka mid tahay, illaalinta iyo dhawrida xuquuda & xornimada asaasiga ah ee qofka sida:
Dimuqraadiyada waxaa u caado iyo dhaqan ah, in shakhsi kastaa helo oo uu dareemo xornimo iyo caddaalad. Waxaana waajib ah in la helo doorasho xaqa oo u furan dhamaan wadaniyiinta oo dhan. Doorashooyinka dimuqraadiga ahi maaha wax lagu kala shubto ama laqarin karo oo khiyaamo iyo musuqmaasuq ku jiro oo xaga dambe la dhigto, ama koox gaar ahi iska maamulato. Arintaasi khiyaamdu waxaa can ku ah oo ay caado u tahay dadka kalitaliska ah oo ku xad gudba xuquuda bini aadamka. Dawlada dimuqraadiga ah, muhiimadeedu waxaa weeyaan, inay fuliso sharciga wadanka ee umada soo dooratay u yaala oo anay dhinacna uga baydhin. Waa inay hubiso in sharcigaas loowada hogaansamo, dadkana qof walba xuquuqdisa helo si sinaana oo aan marnaba lagu xad gudbin. Waa in qof kasta oo muwaadin hi uu dareemo dhabadgalyo iyo amaan uu hadhsado. Nidaamka dimuqraadiga ah, waa inuu jiro sharci umada oo dhan kala saara, waxa kaliya ee dawlada, shaqsiga iyo cid waliba aamin santahay uu yahay sharciga iyo garsoore ama maxakamdo cadaalada oo aan cidna u eexan. Dimuqraadiyadu waxaa weeye kala duwanaan taas oo ka turjumaysa qaran kasta in ay jirto oo uu leeyahay, siyaasad, bulsho, dhaqano kala duwan, iyo figrado kala duwan intaba leh oo u baahan in midwalba sideeda loo dhawro. Dimuqraadiyadu waxay hadh sataa nolasha muhiimka ee aasaasiga ah, maaha dhar laxidho oo ciidamo loo galiyay si ay dadka ugu hanjabaan ama looga baqdo. Muwaadiniinta dimuqraadiga ahi ma laha oo kaliya xuquuq laakiin waxay leeyihiin waajibaad saran oo ay tahay inay ka qayb qaataan siyaasada wadanka, waa inay ilaashadaan wax kasta oo ka hor imanaaya nolashooda iyo xornimadooda. Bulshada dimuqraadiga ahi waxay leeyihiin qadiyad ay ugu go’aan dulqaad, samir iyo wada shaqayn, xal dhex-dhexaad ah samayn. Dimuqraadiyadu waxay aqoon santahay marka wax laysku qabto inay muhiim tahay in lagaadho heshiis layskugu yimaado meel dhexe in marwalba loo baahanyahay. Dulqaad la’aantu waa rabshad caqabad ku noqon karta kobcinta dimuqraadida. Casharka 2aad
La soco qaybaha dambe waa taxane socon doona wiik walba hadii Eebe idmo. Q: Ali Muse admin@alimuse.com
|
Islamic Links
|
|