|
|
![]() ![]() HOGAAMIYAHA DAWLADA ISLAAMKA AH Waa Maxay Waajibaadka Khaliifku (Hogaamiyaha Dalka Muslimka?)
Waa Maxay Dawlad? Dawlad Caddaalad iyo Kala Dambeyn leh, Dastuur leh, oo Garsoore caadila leh, Umada u simantahay, Qof walibana xuquuqdiisa helo, cidii Caalamka ka hirgaliyay markii u horeysay wuxuu ahaa Rasuulkeenii Sharafta Lahaa ee Suubanaa Muxammad (S.C.W.) Sanadkii Kowaad ee Hijrada, wuxuuna ka dhisay Madiina. Umadu waxay ahayd dad jaahiliin ah oo qabiilooyin is xooga oo is dulmiya ah. Meelaha qaarna waxaa ka jiray boqoro jaahiliin ah, oo waxay doonaan uun sameeya dadkana adoon sada. HOGAAMIYAHA DAWLADA ISLAAMKA AH Marka hore waxaa haboon inaynu iswaydiino xageebaa laga tixraacaya qaab dhismeedka dawlad islaamiya? Dawlad Islaanimo ku dhisani waxaa weeye Dawladii ugu horeysay caalamka ee uu Dhisay Rasuulkii Alle S.C.W taas oo uu ka hisay Magaalada Madiina sanadkii kowaad ee Hijrada. Hogaamiyaheedu wuxuu ahaa Rasuulkii Alle Muxammad (S.C.W), Ciidankeedu wuxuu ahaa Asxaabtii Rasuulka (S.C.W). Kadib 12kii Rabbiicul-Awal, sannadkii 11aad ee hijriga (Geeridii Rasuulka S.C.W). Waxaa hogaaminaayay oo iskaga dambeeyey Khaliifadii Muslimka. Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Sayid Cali. Markaas Wadan kasta oo muslim ah oo raba Xukun iyo Dawlad Islaamiya inuu dhisto wadada cad ee uu maraayo kana shidaal qaadanayaa waa taas ay Rasuulkii Alle S.C.W. iyo Asaxaabtiisii sharafta lahayd ay Jideeyeen umada Islaamkana u muujiyeen. Cidii ka baydha ama jid ka leexsan marta ee Dawladooda ama Xukunkooda wado kale oo aan taas ahayn mariya waa cid luntay. Waa maxay Khaliif/a? Waa Maxay Waajibaadka Khaliifku (Hogaamiyaha Dalka Muslimka?) Khallifka Islaamka ama Dalka muslimka ah hogaamiyihiisa waajibaadkiisa saran hadii aynu wax ka mida soo qaadano waxaa ugu waaweeyn:
SHARDIGA QOFKA KHALIIF LOO DOORANAAYO MUSLIMIINTA OO DHAN AMA WADAN QUDHA KHALIIF HA U NOQDEE WAA ISKU SHARDI, Culimada Muslimiinta ah ee Diinta Islaamka Aqoonta weyn u leh ee soo bartay iskuulana uga soo baxay ayaa go’aan ka gaadhaya qofka Khaliifka/Hogaamiyaha Muslimiinta loo dooran karo. Waxyaabaha ay ku tixgalinayaan qofkii la yimaada inuu Umada Muslimka ah hogaamin karo ama Madax u noqon karo waxaa ka mid ah: 1. Hogaamiyahu (Khaliifku) waa inuu Muslim yahay. 2. Waa inuu Nin yahay oo aanu haweenay ahayn, sida ku cad xadiiskii Nebiga (S.C.W.) yidhi: Umad Muslim ahi haweenay kama dhigan karto Hogaamiye (Leader). 3. Waa inuu leeyahay Cilmiga diinta Islaamka oo uu yahay mid go’aan gaadhi kara kalidii hadii ay lama maarmaan noqoto. 4. Waa inuu yahay qof caadil ah, Akhlaaqad wanaagsan oo Xumaha iyo Samaha kala saari kara, Qof la aamini karo laguna kalsoonaan karo. 5. Waa inuu yahay Qof caafimaadkiisu dhanyahay, Geesi ah, Caawimaad badan oo Umada ka difaaci kara cadow kasta oo soo weerara, Indhahiisa, Dhagahiisa, Carabkiisa iyo dhamaan xubnaha jidhkiisa oo dhami waa inay u fayoowyihiin oo sifiican u shaqaynayaan. (micnaha maaha in qofka lagu nacaayo xanuun ama dhaawac xaga Rabbi uga yimid laakiin waxaa la eegayaa Xilka Umada loo qabanayo waa mid intaas ka culuis xag aakhiro iyo aduunba). 6. Waa inuu aqoon iyo khibrad u leeyahay Siyaasada aduunka, Milatariga iyo Maamulka. Hogaamiyuhu haduu yahay mid Guud oo Islaamka oo dhan, Culimida qaarbaa leh Qofka Khaliif loo dooranayaa waa inuu ku abtirsado qabiilka Qureysh maxaa yeelay waa qabiilkii muslimiinta hogaamin jiray, Hogaamiyayaashii Muslimiinta oo dhamina waxay ahaayeen quresh, Nebiguna SCW wuxuu yidhi: “Hogaamiyayaasha Muslimku waa quresh.” Sikastaba ha noqotee; Culimoda Islaamka qaar badan oo ka midi way ka faalo bixiyaan shardigan. Al-Mawaardi wuxuu qoray: Khaliifku waa inuu ahaadaa qureesh isagoo soo qaadanayaa odhaahdii Abubakar yidhi: Hogaamiyaha Muslimiintu waa qureesh, wasiiradiisuna waa dadka kale ee aan qureeshta ahayn, Culimada diinta Islaamka aqoonta dheer u leh intooda badani figradan bay qabaan. Abu Bakr Al-Baqlaani wuxuu yidhi: Hogaamiyaha Muslimiintu waa inuu ka yimaado Umada inteeda badan iyadoon la eegin qabiil. Muxammad Riyaa-Ad-Diin iyo Abu Xanifa waxay qoreen: Hogaamiyaha Muslimiintu waa inuu ka yimaado aqlabiyada badan micnaha dalalka muslimka intooda ugu badan ee isku dhinac aaminsan si ay u fududaato in amarkiisa la raaco oo lagu kalsoonaado. Lakiin hadii hogaamiyahu yahay mid dal qudha sida Somaliland/Somaliya shardigan 7aad ee qabiilku wuu kabaxayaa meesha shardiyada kale ayuunbaa la dhamaystirayaaLasoco Qaybaha dambe hadii Eebe Idmo. |
Islamic Links
|
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay
Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
admin@alimuse.com Wixii figrad
ama rayi bixina aad baanu u Jecelnahay.
|