Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kitaabo Contents Contact usDimuqradiyada2

Home
Up

DIMUQRADIYADDA

Xeerka Aqlabiyada Badan & Tirada-yar

 Marka hore, qaanuunka ama xeerka dadka aqlabiyada badan iyo dhawrista xuquuqda shakhsiga & dadka laga tiradabadanyahay, waxaa la moodaa inay iska hor imanayaan. Laakiin xaqiiq ahaan, si kasta oo ay tahay xeerarkani (qanuunadani) waa tiirar mataano ah oo haya seeska u hooseeya ee looyaqaan dawlad dimoqraadiya. Qaanuunka aqlabiyada badan macnahiisu waxa weeye abaabulida dawlada iyo go’aaminta arimaha dadweynaha ka dhaxeeya. Ma aha wado wax lagu dulmiyo. Sida qof ama kooxina aanay xaq u lahayn inay iskeed isku sharaxdo oo ay dadka kale u dulmiyaan ama iyaga la dulmiyo, sidaas daraadeed majirto dimoqraadiyad odhanaysa halaga qaado xuquuda  iyo xoriyada qofka ama kooxaha laga tirada badan yahay.

 Hadii dadka laga tirade badan yahay ee lagu hayb sooco sida: Sinjiyada, diinta, waxay rumaysanyihiin, dhulka ay daganyihiin ama ay yihiin dad faqiira oo dhaqaalahoodu dadka kale ka hooseeyo, xaataa haba noqdeen kuwii tartanka doorashada lagaga badiyay, ama dooda siyaasada. Waxay marwalba xaq u leeyihiin inay ku raaxaystaan xuquuqda aasaasiga ah ee bini aadamnimo, oo aanay cid kaqaadaysa ama ku xadgudbaysaa jirin. Hadii ayna dawlada iyo xusbiyada codka badan helay aanay u foodin oo ay ka soo horjeedeen, wax marnaba ka lumayaa majiro.

 Dadka laga tirada badan yahay waxay u baahanyihiin inay rumaystaan in dawladu marwalba xuquuqdooda daryeelayso oo ay dhawrayso. Marka lagu guulaysto in lays aamino, ayay suurtagal noqonaysaa innuu qof kastaa uu ka soo qayb gali karo, hawlaha doorashada iyo go.aanada, si uu dimuqraadiyada iyo dastuurka dalkiisa gacan ugagaysto kuna tabaruco si hagar la’aana.

 Waxa ka mid dimuqraadiyada in ay dawladu aad u ilaaliso marwalbana dhawrto, xuquuqda aasaasiga ah ee dadka oo ay ugu horeyso:

Qofka oo hadalkiisa u xor ah, wax kaste oo figradiisa iyo shucuurtiisa ah, uu sifiican oo aan cidhiidhi lahayn u odhan karo.

Diintiisa & waxa uu rumaysan yahay waa inuu xor u yahay, isaga oo sharcigu xuquuqdiisa dhawraayo markasta.

Waa inuu xor u yahay abaabulka iyo ka qayb qaadashada bulshada.

Waa inuu mudaharaadi karo markasta oo uu wax qalada kadareemo dawlada iyo cid kasta oo xuquuqdiisa, diintiisa, sharaftiisa, dalkiisa iyo dadkiisa intaba ku xadgudbaysa.

 Dawlada dimoqraadiyada ah, waxaa waajibaad keeda ugu waaweyn ah. Inay si gaara u dhawrto una ilaaliso dadka jilicsan iyo kuwa la hayb sooco, kuwa waalan, agoomaha iyo dadka tabarta yare aan awoodin inay is dhowraan. Dadku mar hadii ay dimuqraadiyad ku dhaqmayaan waxaa muhiim ah in la aqballo dhibaatada iyo burburka ka imankara, bulshada oo isu kala saarta koox-koox ama beello qabiillo iskaga soo horjeeda. Waayo, hadii bulshadu ay hab dhaqmeedkii hore ee badownimada iyo jaahiliyada wali ku jiraan, waxaa imanaysa in sinjiyadaha waaweyni ay nolasha ku tartamaan. Qoomiyadaha yaryarina ay iniba dhinac isku gaashaan buursadaan, ama baaba’aan. Halkaasna ay dantii guud iyo dawladiiba ku lunto, dunidan casriga ah ee lajoogana umadu ma noolaan karto dawlad la’aan. Hadii aanay dawlad cadaalada ama dimoqraadiyadi jirin, bulshadu way dumaysaa.

 Nidaamkaas beelaha iyo qabiilada ama in dadka lahaybsado la yaso, lana dulimyo waa wax dawlad kasta oo dimoqraadi ahi soo martay lana kulantay. Laakiin waxay u baahan tahay dadaal, samir iyo ficil joogta ah in dadka iyo dawladuba layimaadaan. Nidaamkan beelaha iyo qabiilada ama is qolo-qolaysiga waxa kaliya ee lagaga gudbikaro waa in dimoqraadiyada si wanaagsan loo hirgaliyo iyada oo loo wada dhanyahay. Dimoqraadiyadu ma ahaa wax iska yimaada, laakin waa inay ka soo fusho bulshada oo midaysan. Hadii bulshadu midnimo la imanwaydo majirayso dimoqraadiyad iyo cadaalad ay dadku talada wadanka iyo danta guud ay wada-wadaagayaan. Casharka 2aad

admin@alimuse.com

Home
Up

Buuga Martida

Islamic Links

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakar

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Nuuruliimaan

Somalislam

Somali Sunah

Warfawebsite

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright © 2007 Alimuse.com/                                           
19/11/2008 18:14:34