Golahan Hogaamiyaha Muslimiinta Talada Siinayaa majirto tiro go’an oo meel taala laakiin waxaa culumada Islaamku isku raaceen inaan tiradooda aad loo badin. Waxaa jirta shuruudo ay Culimada Islaamku ku xidheen shakhsiga ka mid noqonaaya Majlis-Ashuuraa. Dhamaan Culimada Islaamku way isku raaceen in Gudidu noqoto dad-mudakara (micnaha qaan-gaadha oo maskax furan). Gudidan waxaa soo dooranaaya shacbiga umada islaamka ah ee dalka wada dagan oo dhan waa arrin xil kawada saaranyahay umada oo dhan. Hadii ay beelo yihiin iyo hadii ay jaaliyado yihiinba. Marka guud-ahaan laysku raaco arrimahaas, ayaa shuruudaha kalena la eegayaa, iyadoo Culimada Islaamka ee wax ka qoray arinta wax yarbay kukala duwanyihiin laakiin micnaha guud hadana way isku dhawdhawyihiin figradaha ay ka qabaan shardiyadan..
Al-Mawardi wuxuu qoray: Midkasta oo Gudida ka midii waa in seddex shuruudood laga helo oo lagu qanacsanyahay:.1 Waa inuu Caadil caddaalada sugi-kara yahay, 2 Waa inuu Diinta Islaamka Cilmi Fiican ka haysto oo uu ku kala saari karo Khaliifka wanaagsan iyo ka xun, 3 Waa inuu leeyahay Xigmad, Fahan iyo Caqlifiican oo uu xukun iyo go’aan wanaagsan ku gaadhi karo si uu Hogaamiyaha ugu fiican u doorto
Al-Juwayni na wuxuu ku xidhay Midkasta oo Gudida kamida Afar Shardi: 1 Midkastaa waa inuu nin yahay, 2 Waa inuu Cilmi Diinya leeyahay,3 Waa inuu ka sareeyo xagga aqoonta iyo garrashadaba dadka caadka kale, 4 Muslim yahay.
Muhammad Rida wuxuu qoray: 1 Majlisu-Ashuura waa inay noqdaan dadka umada ugu wanaagsan, 2 Waa inay ka koobnaadaan Dadka Cilmiga leh, Hogaamiyayaash, Askarta, Ganacsatada iyo dadka bulshada dhexdeeda magaca iyo ixtiraamka ku leh. Dhamaan Gudida shuruudahooda ugu muhiimsani waa inay noqoto Cilmiga diinta Islaamka, waa inay yihiin dad Xukun kooda, Go’aamadooda iyo Figradahoodaba la adeeco oo sifiican loogu kalsoon yahay ixtiraamna leh. Gudidu waa inay ku jiraan dad xirfadaha iyo cilmiga maadiga ah wax ka yaqaana si ay aqoon iyo cilmi isku soo biiriyaan, nolasha bulshadana dhanwalba wax uga ogyihiin.
Faiyadh wuxuu qoray: Gudida Latalinta(Majlisu-Ashuura) Shaqadoodu waxay tahay inay u dhexeeyaan Umada iyo Khaliifka. Markaas dadka noqon karaa waa hogaamiyayaasha Beelaha (Oday Dhaqmeedyada), Dadka Cilmiga maadiga leh iyo kuwa qaybaha nolasha aduunka waayo aragtinimada ku leh sida: Dhaqaalaha, Injineernimada, Dakhaatiirta iwm kuwaasina waxay noqon karaan wakiilo umada xuquudooda u dooda iyagoon ka mid ahayn Majlisu-Ashuura. Micnaha dadka shacabka ah ee indheer-garadka ah ayaa umada danahooda u doodaya..
Al-Baghdadi wuxuu aamin sanyahay Khaliifka iyo Majlisu-Ashuuraa labadaba waa in ay iska soo dhex doortaan dadka aqoon u leh ee sifiican u dooran kara (micnaha culimada).