Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka21

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Casharka 21aad ee Kitaabka Siirada Nebgia Muxammed (S.C.W.)

SOO ISLAAMIDDII REER MADIINA

Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay mawaasimtii xajka ee uu dacwada gaarsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin oo reer Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas oo kala ahaa: Ascad binu Suraarah, Cawf binu Xaarith, Raaafic binu Maalik, Qudba binu Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo Jaabir binu Cabdullaahi binu Ri'ab. Siduu kula kulmayna waxay ahayd habeen Nebiga SCW iyo Abuubakar oo ku wareegaya dadka xajka u yimid oo dacwada gaarsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yiri: Kuwamaad tihiin? waxay dheheen koox reer Khasraj ah ayaan nahay. Wuxuu yiri: waalidii Yahuudba? Waxay dheheen haa. Wuxuu yiri: maad fariisataan aan idinla hadlee? Waxay dheheen waa yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay islaamka, wayna qaateen; waxayna ku laabteen Madiina, wuxuuna waqtigaasi ahaa sannadkii 11aad laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina waxaa wada degganaa laba qabiil oo carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud ah. Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi Muuse oo waxay ahaayeen Ehlu-Kitaab; carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin asnaamta caabuda oo aan diin heysan, marar badanna wixii mas'alo diin ah oo ay qabaan waxay weydiin jireen yahuudda. Yahuuddu waxay carabta ugu faani jirtey in uu imaan doono Nabi diintoodu sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo ay rumeyn doonaan iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono iyaga (Carabta). Sidaa daraaddeed lixdaa nin markay Rasuulka SCW arkeenba hore ayey ka islaameen, waxayna xaqiiqsadeen inuu yahay Nabigii ay yahuuddu sheegi jirtay. Ka dibna waxay ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah, waxayna ku faafiyeen Madiina dacwadii islaamka

BEYCATUL CAQABADDII 1aad

Markii ay Madiina ku laabteen lixdii nin ee reer Madiina oo Islaamka qaatay waxay ay diinta Islaamka gaarisiiyeen dadkoodii reer Madiina. Dabadeedna waxay Makka ku soo laabteen xajkii dambe oo ahaa sannadkii 12aad ee soo dirriddii Rasuulka SCW iyagoo ah 12 nin (lixdii hore shan ka mid ah iyo toddoba cusub oo kala ah: Mucaad binu Xaarith, Dakwaan binu Cabdul Qays, Cubaada binu Saamit, Yasiid binu Thaclabah, Cabbaas binu Cubaada, Abuu Haytham binu Tiihaan iyo Cuwaym binu Saacida; dhammaantoodna waxay ahaayeen reer Khasraj labada dambe maahane. Waxayna Rasuulka SCW kula shireen waqti habeennimo ah, si qarsoodi ah, meesha la yiraahdo Caqaba oo ku taalla Muna. Maxaa yeelay qureysh ma arki karin Nabiga SCW oo la shiraya dad Makka dibaddeeda ka yimid waayo waxay ka baqayeen in dadkaasi rumeeyaan oo uu aado ka dibna uu Makka ku soo duulo sidii dhacday markii dambeba. 

Rasuulka SCW wuxuu ka qaaday 12kii nin ee reer Madiina beyco (ballan adag), wuxuuna ku yiri "igula mubaayacooda in aydan Allaah u shariik yeelayn, wax xadayn, sineysaneyn, carruurtiina dileyn, been abuurashana samaynayn, wanaaggana igu caasineyn", iyaguna waa aqbaleen. Wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: "haddii aad gudataan janno ayaad leedihiin, haddiise aad khiyaantaan waa la idin ka abaal marin, waxayna idiin tahay kafaaro, haddii la idiin asturo ilaa qiyaamaha amarkiinu xagga Alle ayuu ahaaday, haduu doono wuu idiin cadaabin, hadduu doonana wuu idiin dhaafin". Iyaguna waa yeeleen oo sidaas ayay Rasuulka SCW kula mubaayacoodeen. Waxayna beycadaani waafaqsan tahay oo ay isku kalmado yihiin beycadii uu Nabiga SCW heshiiskii xudeybiya la galay dumarka taasoo ay tilmaantay suuratul-mumtaxina.

Ka dib markii beycadaas iyo ballaantaas la kala qaatay waxay Rasuulka SCW ka codsadeen inuu ku daro nin daaci ah oo inta islaamtayna islaamka bara, inta kalena dacwada islaamka gaarsiiya. Rasuulka SCW wuxuu markay bexeen ka daba diray Muscab ibnu Cumayr oo aan hore u soo tilmaannay. Muscab madiina ayuu tagay wuxuuna ku degay guri uu lahaa Ascad ibnu Suraara oo raggii ka mid aha. K a dibna isaga iyo Ascad ayaa ka hawl galay Madiina oo dacwada wada faafin jirey, marba xaafad ayeyna tegi jireen. Maalin ayey waxay yimaadeen oo ay dacwada ka faafinayeen xaafad ay degganaayeen laba reer oo la kala oran jirey: Bani Cabdil-asham iyo Banii Dufur (oo reer Aws ahaa), geed bayna hoos fariisteen iyagoo dacwadoodii gudanaya, markaasaa dadkii xaafadda degganaa ku soo urureen iyagoo dhegaysanaya.

Ka dib iyagoo dadkii wacdinaya ayaa waxaa arkay laba oday oo labadaan reer odeyaal u kala ahaa, markii dambana islaamka magac weyn ku yeeshay. Labadaas nin oo la kala oran jirey Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr aad bey u caroodeen markay arkeen labada nin oo dadkoodii shirinaya. Sacad ayaa markaa Useyd ku yiri "Ascad wax kale guryahayaga waxaa uga samayn maayo ee qaraabada aan nahay ayuu og yahay ee orod Useydow u tag oo nimankaas shaqo ka qabo". Useyd ayaa markaas ku soo dhaqaaqay isagoo caraysan oo warankiisii wata. Ascad ayaa la hadlay Muscab oo ku yiri "ninkaas soo socdaa waa odaygii ciddayada ee adigay ku jirtaa sidaad ula hadli lahayd'. 

Useyd markuu meeshii yimid ayuu isagoo caraysan wuxuu yiri 'maxaad waxa aannaan raaliga ka ahayn uga faafinaysaan guryahayaga, ma waxaad rabtaan inaad ku ciyaartaan dadkayaga wax ma garatada ah caqligooda, haddii aydan meesha ka tegin wax kale ayaad arkeysaan". Muscab binu Cumeyr, oo ahaa nin aad u maskax badan, Rasuulka SCW uu u soo doortay arrintaa, si tartiib ah ayuu ula hadlay Useyd oo wuxu ku yiri "ma la arkaa inaad fariisato oo aad i dhegaysato oo haddii ay ku anfacaanna aad qaadatid haddii kalena aan kaaa tagno', Useyd oo ahaa nin odey ah oo akhyaar ah wuxuu ku jawaabay "waayahay waan ku dhegaysanayaa". Muscab dacwadii ayuu gaarsiiyey oo Ilaahay aayaatkiisii ayuu ku dul akhriyey. Useyd intii qur'aanka lagu dul akhrinayey ayuu wejigiisu is beddelay, markii aayaatkii la dhammeeyeyna wuxuu yiri "sidee buu diintaan u soo glaa qofkii doonaya?", Muscab wuxuu ugu jawaabay "waad soo qubeysanaysaa ka dibna tawxiidkaad qireysaa", Useydna sidaas ayuu yeelay, markuu islaamayna wuxuu yiri "nin odey ah ayaa ila socday oo hadduu islaamo qabiilkiisa oo dhammi ay islaamayaan waana idiin soo dirayaaye la hadla". Useyd markuu ku laabtay Sacad ayaa Sacad yiri "ka warran meeshii", Useyd wuxuu yiri 'wax dhib ah kuma arag waana la hadlay, laakiin ninka la yiraahdo Ascad oo aad ilma habreedka ahaydeen waxaa u dhaaranayey jilibkaagii". Sacad markuu intaa maqlayba wuxuu soo aaday meeshii, markuu yimidna wuxuu ogaaday in meesha wax dhib ahi ka jirin ee isaga loo soo dirayey, markaasuu ku yiri Ascad "waxaad arrintan ug awaddo xaafadahayaga waa qaraabada aan nahay darteed sow maaha". Muscab ayaa markaa la hadlay oo ku yiri hadlalkii uu Useyr u yiri oo kale, Sacadna wuxuu ku jwaabay sidi Usery u jawaabay oo kale. Markuu dhegaystay qur'aankiina wuu islaamay.

Sacad galabkii ayuu shiryey qabiilkiisii Aws oo dhan wuxuuna ku yiri "maxaad igu taqaaniin", waxay yiraahdeen "waxaan kugu naqaanna wanaag iyo inaad tahay kan noogu fiican" markaasuu yiri "haddii aydaan islaamin salaantiinnu xaaraam bay iga tahay", halkaas ayey markaas dhammaantood ku wada silaameen rag iyo dumarba hal nin oo isna dagalkii Uxud islaamay mooyee.

Muscab ibnu Cumeyr Alle ha ka raali noqdee wuxuu halkaa ku noqday macallinkii reer Madiina, dacwadii ay halkaas ka wadeen isaga iyo Ascadna waxay gaartay heer aad u sarreeya ilaa ay reer Madiina badankood islaameen. Dabadeedna xajii dambe ee sannadkii 13aad ee soo diritaanka Rasuulka SCW wax yar ka hor ayu muscab ku soo laabtay Makka isagoo Rasuulka SCW ugu bishaareynaya islaamka reer Madiina meeshuu marayo iyo guulaha ay dacwadu gaartay.

BAYCATUL CAQABADII 2aad

Isla sannadkii 13aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW ayaa waxaa kale oo Madiina ka soo baxay oo xajka soo aaday 73 nin iyo 2 dumar ah oo muslimiin ah iyagoo la socda mushrikiin qabiilkooda ah. Dhowr iyo toddobaatankii qof ee muslimiinta ahaa waxay Rasuulka SCW samaysteen kulan, waxayna ku ballameen iney isugu yimaadaan meesha la yiraahdo Caqaba oo Muna ku taalla habeen ka mid ah waqtigii xajka.

Musimiintii reer Madiina way ka qariyeen shirkaas nimankii ay isla socdeen ee mushrikiinta ahaa hal nin maahane. Ninkaas oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam wuxuu ahaa nin oday ah oo ay ku kalsoonaayeen una bandhigeen islaamka, markuu aqbalayna kulankii ayey u soo kaxaysteen.

Markii la gaaray habeenkii ay Rasuulka SCW la ballameen ayey habeen barkii si qarsoodi ah u baxeen waxayna Rasuulka kula kulmeen Caqaba. Rasuulka SCW waxaa la socday adeerkiis Cabbaas oo aan weli islaamin laakiin ka war hayey arrimaha Rasuulka SCW, garab taagnaana Rasuulka SCW intii uu Abii-dhaalib dhintay, waqtigaasna u socday inuu arrintaas ayido. Cabbaas wuxuu noqday ninkii ugu horreeyey ee shirkaas ka hadla wuxuuna yiri "reer Khasrajow waad ogtihiin Maxammed meeshuu naga joogo, 13 sananna annaga ayaa ka difaaceynay dadkii aan isku diinta ahayn ee aan isaga wada khilaafsanayn, isaguna hadda wax kale wuu diidey inuu idin soo haleelo mooyee, haddaad marka ballan qaaddaan inaad difaaceysaan oo aad ballantaas ka soo baxeysaan, axadkii khilaafana ka difaaceysaan waa idinka iyo waxa aad qaaddeen; laakiin haddii aad berri diidi doontaan oo aad garabkiisa ka bixi doontaan haddaba iska daay".

Ka dib waxaa hadlay Thaabit oo ka mid ahaa 73 kii nin wuxuu yiri "Rasuulkii Ilaahayow maxaan kugula mubaayacoonnaa?", Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "waxaad igula mubaayacooneysaan is maqal iyo is addeecid waqtiga nabadda iyo waqtiga shiddadaba, iyo in aad maalkiinna bixisaan marka la barwaaqaysan yahay iyo marka la dhibateysan yahayba, waana in wanaagga la is faro, xumaantana la reebo, waana in Ilaahay dartiis aad u istaagtaan oo mid dagaallamaya dagaalkiis waxba idinka dhibin, iyo in aad ii gargaartaan haddaan idiin imaado, iina difaacdaan sidaad u difaacdaan carruurtiinna, naftiinna iyo maalkiinna, iddinkuna janno ayaad leedihiin (hadaad sidaa yeeshaan)".

Markii hadalkaasi dhammaaday waxaa Rasuulka SCW gacantiisa qabtay Baraa ibnu Macruur oo yiri "Ilaahii xaq kugu soo bixiyaan ku dhaarannaye, waan kaa difaacaynnaa waxa aan reerkayaga ka difaacno ee nala mubaayacood Rasuulkii Allow, annagana waa nala og yahay inaan nahay wiilashii dagaalka ku barbaaray oo hubka qaadi jirey". Waxaa isna raggii meesha ka hadlay ku jirey Abuu Haythama oo yiri "Rasuulkii Allow annaga iyo yahuudda xargo ayaa isug kaaya xiran oo heshiis baa naga dhexeeya, haddaad tiraahdo gooyana waan goyneynaa ee ma laga yaabaa in hadhow markaad guuleysato aad naga soo tagto?", Rasuulku SCW dhoollaha ayuu caddeeyey wuxuuna yiri "dhiigga ayaa naga dhexeeya iga mid baad tihiin, aniguna idinka mid baan ahay, waan la dagaallamayaa ciddii aad la dagaallantaan, waana soo dhoweynayaa ciddii aad soo dhoweysaan. Cabbaas ayaa mar kale hadlay oo yiri "ogaada ballanta aad maanta qaadaysaan inay tahay in aad la dagaallantaan caddaan iyo madowba, haddii hadhow markii xoolihiinna dagaalku dhammeyo, raggiinnana seeftu dhammeyso, aad ka bixi doontaan haddaba iska daaya, haddaad sidaa samaysaan waa idiin hooge," laakiin haddii aad u istaagtaan naf iyo maal waa idiin liibaan".

Intaa ka dib waxay yiraahdeen "Rasuulkii Allow haddii aanu arrintaan oofinno maxaan leenahay?", Rasuukuna SCW wuxuu yiri "janno ayaa leedihiin" markaasay dheheen "fidi gantaada" markuu fidiyeyna sidaas ayey kula wada mubaayacoodeeen. Beycadaasina waxay ahayd beycadii labaad oo loo yaqaan beycatu Caqabadii 2aad.

Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri "12 nin oo odeyaashiinna ah ii soo saara', waxaana loo soo saaray 12 nin oo kala ahaa:

1) Ascad ibnu Suraara
2) Sacad ibnu Rabbiica
3) Cabdullaahi ibnu Rawaaxa
4) Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam
5) Baraa' ibnu Macruur ibnu Sakhar
6) Cubaada inu Saamit ibnu Qays
7) Sacad ibnu Cubaada ibnu Daliim
8) Mundir ibnu Camrin ibnu Khunays
9) Raafic ibnu Maalik ibnu Cajlaan
10) Useyd ibnu Xudeyr ibnu Simaak
11) Sacad ibnu khaythama ibnu Xaarith
12) Rufaaca ibnu Cabdimundir ibnu Subayr

Laba iyo tobankaas nin waxay sagaalka hore ahaayeen reer Khasraj, saddexda dambena reer Aws. Rasuulka SCW 12kaa nin aad buu ula dardaarmay wuxuuna xusuusiyey mas'uuliyadda ay qaadeen iyo inuu iyaga la soo xiriiri doono, nin walbana uu jilibkiisa mas'uul ka yahay. Shirkaas markuu dhammaaday oo lagu kala dareeray ayaa sheydaan ogaaday markaasuu dhawaaqay oo yiri "dadka meesha degganow, Maxammed iyo dad la jiraa waxay ku heshiiyeen inay dagaal idinku soo qaadaan", markii Rasuulka SCW maqlay hadalkaas wuxuu yiri "kani waa sheydaaankii Caqaba joogey, Ilaahay baan ku dhaarannayaaye cadowgii Allow waan kala tegaynaa". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW raggii amray in la kala tago oo qof walba uu meeshiisii ku laabto. Cabbaas binu Cubaada ayaa markaa Rasuulka SCW ku yiri: 'haddaad doonto na amar aan qureysh aroortii weerar ku qaadnee" hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska taga weli dagaal la ima amrine".

Qureysh qeyladii sheydaanka ayey habeenkii maqashay, markaasay subixii u yimaadeen dadkii reer Madiina oo muslimiinta iyo gaalada isug jirey waxayna ku dheheen "waxaan maqalnay inaad heshiis la samaysateen saaxiibkayo oo aad doonaysaan inaad naga fakisaan, dagaalna nagu soo qaaddaan, annaguna dagalkiinna dooni mayno Khasraj iyo Awsow ee maxaa dhacay?". Waxaa markaa hadlay kuwii gaalada ahaa oo aan waxba ka war haynin oo yiri "arrintaa waxba kama jiraan". Cabdullaahi binu Ubey oo socotadaas reer Madiina madax u ahaa wuxuu yiri "qoomkeygu wax aanan ogeyn ma samayn karaan" hase yeeshee markii ay reer Madiina noqdeen ayey qureyshi ogaatey in qisadu dhacday markaasay ka daba direen ciidan laakiinse waxay soo qabteen nin keli ah oo ahaa Sacad binu Cubaada, isagiina waxaaa ka sii daayey oo magangelyo siiyey Xaarith ibnu Qeys iyo Mudhcim ibnu Caddiyi oo uu Sacad magangelin jirey safarkooda Madiina sii maraya (ee shaam ujeeda). Sidaas ayeyna ku dhammaatay beycadii Caqaba 2aad.

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:22