Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Kutoosnaanta Diinta

Home
Up

 

با ب١ﻻستقامۃ

CUTUBKA 8

KU TOOSNAANTA DIINTA

 Allaah Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yidhi:

“ Ugu toosnow siraadka mustaqiimka ah (jidka toosan ee xaqa ah) sida lagu faray” Suuradda Huud: Aayadda 112. Waxaa kaloo Allaah S.T.W. yidhi:

“ Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah; dabadeedna toosnaada, malaa’ig baa ku soo degta ( kuwaa markay dhimanayaan oo ay naftu ka sii baxeyso) ku leh: Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku bushaareysta Jannadii la idiin yaboohay. Annagaa ah gacalkiin idin dhowraaya adduun iyo aakhiroba. Xagga Jannadana waxaa idiin yaal wixii ay naftiinnu rabto oo dhan iyo wixii aad u yeedhataanba’e. Waana martiqaad ka sugnaaday dambi dhaafe naxariis badan” Suuradda Fusilat: Aayadda 30-32.  Waxaa kaloo Allaah S.T.W. yidhi:

“ Kuwii yidhi: Rabbigayo Waa Alle, dabadeedna xaqa ku toosnaaday oo aan dhinacna uga leexanin, cabsi korkooda ahaanmayso iyo murugo. Waana ehlu Janno kuwaasu, dhexdeedayna ku waarayaan, Camalkii wanaagsanaa ay falan jireen dartii” Suuradda Axqaaf: Aayadda 13-14.

85. Sufyaan ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yidhi: waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle (S.C.W.) arrintan anigoo ku iri: Waxaad iga siisaa cashar dhan iyo daris waantow iyo hanuun leh Islaamka oo aanan dabadaa waydiineyn cid kale. Wuxuu yidhi (S.C.W.) “ Dheh: Alle ayaan Rumeeyey, dabadeed xaqa raac oo ku toosnow”. (Muslim).

86. “ Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nabigu S.C.W. wuxuu yidhi: “ Raaca mabaadida iyo qodobbada diinta oo si wanaagsan u dhowra, ahaadana xaqaaniyaal jidka Alle ku toosan: oo ogaada inuusan qofkiinna camalkiisa ku badbaadi Karin. Nin baa wuxuu weydiiyey: Ma xataa adiga nabi Alloow? Wuxuu yidhi: xataa aniga, in Alle naxariistiisa iyo galladdiisa I dhex geliyo maahee”. (Muslim)

Fiiro Gaar ah: Culimadu waxay yidhaahdaan ku toosnaanta xaqa waxaa loola jeedaa inaad Alle adeecdo, oo awaamiirtiisa aad fuliso qowl iyo ficil, farid iyo reebid, iyo inaad noolaato nolol aad ugu hogaan santahay addoon dhab ahna ugu tahay Allahii ku abuuray.

  Back Home Next

admin@alimuse.com


Home
Up

Baro Qur'aanka

Buuga Martida

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maxamed Umal

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Somal Islam.net

Somali Sunah

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
06/01/2010 12:09:02