Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Isukaashiga Khayrka

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN

CUTUBKA 21

ISU KAASHIGA KHEYRKA IYO SAMA FALKA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

82. “ Isu kaashada ilaalinta iyo dhowrista xilka Alle idin saaray iyo samaan falidda”. Suuradda Al-Maa’idah: Aayadda 2.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

83. “ Waayahaan ku dhaartaye Aadanuhu khasaaruu ku sugan yahay kuwa xaqa rumeeyey ma ahee oo camalka wanaagsan falay, oo xaqa isu dardaarmay, samirkana isu dardaarmay”. Suuradda Al-Casar 1-3.

177. Abuu Cabdur Raxmaan Zayd ibn Khaalid al-Juhani (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Ninkii diyaariya oo qalabeeya nin mujaahid ah oo dar Alle u jihaadaya waa sida isagoo jihaadkii ka qayb galay (oo u diriray Alle darti) ninkii daryeela oo dhaqaaleeyana nin mujaahid ah oo Alle darti jihaad ugu maqan reerkiisii oo u sii hayaa waa sida nin isagu jihaadkii ka qayb qaatay, oo diriray’. (Bukhaari iyo Muslim)

178. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u diray qolo dagaalyahanno ah inay dagaal jihaad ah ku qaadaan qabiil la yiraahdo Banii Laxyaan oo ka tirsan reer Hudeyl wuxuuna ku yiri nimankii dagaalyahannada uu u dirayey qoladaa: Labadii ninba waa inuu mid isu diyaariyaa inuu jihaadkaa aado oo ka qayb galo. Laakiin labaduba waxay leeyihiin ajar isku mid ah’. (Muslim)

179. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigaa (S.C.W) kula kulmay qoon awr fuushan meesha Raxwaa la yiraahdo wuxuuna weydiiyey cidda ay yihiin. Waxay u sheegeen inay yihiin muslimiin. Iyaguna waxay weydiiyeen cid uu yahay wuxuu yiri ÒRasuulkii AlleÓ Markaasaa haweeney inta ilma kor u qaadday tiri; kan xaj ma aadi karaa? Wuxuu yiri: “ Haah, Ajar baana kuugu sugan.’ (Muslim)

180. Abuu Muusaa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Khasnajiga muslimka ah ee aamminka ah waa kaa guta xilka iyo howlaha loo dhiibay ee lagu aaminay, bixinaya wixii bixi la yiraahdo isagoo siinaya wixii sii la yiri oo dhan ciddii lagu yiri sii, isagoo raalli ah, uur fayow. Khasnajigaa wuxuu la mid yahay kii wax sadaqeystay. (Bukhaari iyo Muslim)

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14