Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Reebida Dulmiga & Xumaha

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

CUTUBKA 26

REEBIDDA DULMIGA IYO XUMAHA IYO KA HORTAGOODA IYO IN DHIDBAHA LOO JARO

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

99. "(Goorta) ay daallimiintu waayayaan wax saaxiib ah, iyo shafeeco qaade la maqlo". Suuradda Qaafir: Aayadda 18.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

100. "Daallimiintu wax u hiiliyo malaha". Suuradda Al-Xaj: Aayadda 71.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah, xadiiskii ugu dambeeyey cinwaankii ahaa dadaalka oo uu weriyey Abu Darr (A.K.R.), waa xadiiska tiradiisu tahay 111, cutubka 11.

203. Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Iska jira xaqdarrada, maalinta qiyaamo xaqdarradu waxay noqon oo isu beddeli gudcurro badan oo madow iyo mugdi badan, kana ilaasha naftiinna oo iska jira mudulnimada iyo nafjecleysiga (maal iyo madaxtinnimo jaceyl), nafjecleysi iyo mudulnimo waxay rogtay qoomankii idin ka horreeyey oo ku kalliftay inay dhiig iska qubaan oo wixii ka xaaraansanaa xalaashadaan". (Muslim)

204. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Wax walbaa waa loo kala xaq qaadayaa, Qof walibana Alle xaqiisa waa uu kaga gudayaa kii ka duudsiyey. Ilaa rida seenyoon looga xaq qaado oo looga gooyo wixii dulmi ka soo gaaray rida geesaha leh". (Muslim)

205. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Maalin, kulan uu innagu wehliyey nabigu (S.C.W.) waxaynu ka sheekaysanaynay xajka sagootiga mana garanayn waxa loola jeeday, jeer Nebigu (S.C.W.) istaagey oo Alle mahdiyey oo ammaanay oo misna Masiixud-Dajaal (Sheydaanka isha tiran ee wareegaya shartana badan) ka sheekeeyey oo ku dheeraaday oo yiri: ÒMa uu jiro Nebi Alle soo diray aan ummaddiisii uga digin (shartiisa), Nuux baana uga digey iyo Nebiyadii ka dambeeyey oo dhan. Haddii uu idinku soo baxana, xaalkiisa idinkama qarsoomayo. Sidaad og tihiin Rabbigiin ma il laÕa, meesha uu Dajaalku il laÕyahay. Isha midig baa cad oo u eg mir canab ah oo buqsan. Is jira, Alle wuu idinka xaaraantimeeyey inaad dhiig iska daadisaan, ama maalkiinna iska dhacdaan; Arrimahaasi waa xaaraan caaggan inaad ku xadgudubtaan sida uu xadgudubka uga xaaraameeyey maalintaan iyo bishaan, iyo beladkaan (Makka) aad joogtaan. Nin walbow is ilaali! Mawaanan idin gaarsiin (oo aan idin barin awaamirta Alle oo dhan iyo wuxuu idin faray) Asxaabtii waxay yiraahdeen: Haah. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒAlloow ka marag ahowÓ seddex jeerna ku celceliyey weedhaas. Wuxuuna hadalkiisii ku gunaanuday: iga dhuuxa waxaan idin leeyahay! waa inaydaan gaalo noqon dabadey (marka la i oofsado), oo ha billaabina inaad isdishaan oo iska daadisaan dhiig dhexdiinna. (Bukhaari iyo Muslim oo qayb ka wariyey xadiiska).

206. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: ÒNebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii xaqdarro ku qaata taako dhulka ka mid ah, wuxuu Alle ku cadaabaa maalinta qiyaamo in loo suro toddoba dhul qoortiisa". (yacni wixii uu xaqdarrada ku qaatay). (Bukhaari iyo Muslim)

207. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabiu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle dulmiilaha waa u kaadiyaa oo wax tillaabo ah kama qaado (si uu koobka dambiyadiisa ugu buuxsamo), dabadeedna markii uu qabto si uu uga gooyo oo ugu qaado dambigiisa, ma sii daayo. Markaa buu wuxuu akhriyey aayaddan QurÕaanka: ÒWaa sidaasoo kale qabashada Rabbigaa, markii uu beel daalimad ah qabto. Qabashadiisu waa mid adag oo xanuun badan". (Bukhaari iyo Muslim)

208. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebiga (S.C.W.) baa wuxuu ii magacaabay (Guddoomiyaha Yaman) oo wuxuu igu yiri: Xusuusnow! Waxaad u tegi doontaa qoom ehlu kitaab ah (Yuhuud iyo Kirishtaan) ee waxaad ugu yeertaa inay qiraan ilaah xaq aan Alle ahayni inuusan jirin, iyo inaan anigu Rasuulkii Alle ahay. Markii ay aqbalaan taa, u sheeg in Alle ku waajibiyey shan salaadood maalintii iyo habeenkii, Markii ay aqbalaan tani markaa u sheeg in Alle ku waajibiyey sako, kuwooda wax leh laga qaadayo oo la siinayo kuwooda aan wax haysan ee saboolka ah. Markii ay kaa oggoladaan taa, ha ka qaadin hantidooda kuwa u wanaagsan ee isha lagu hayo sako ahaan. Iskana jir habaarka qofka dulman, maxaa yeelay lagama soo cesho xag AlleÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

209. Abuu Xumayd Cabdur Raxmaan Ibn Sacdis-Saacidi (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u xilsaaray nin reer Azdi ah oo la yiraahdo Ibn Lutbiya inuu soo ururiyo sako. Markii uu ku soo laabtay (Madiina) ibn Lutbiya buu yiri: Intaan tirada badan adaa leh, waa waxa aan soo ururiyey sako ahaan, intaan oo dhanna hadiyad ahaan anaa la i soo siiyey. Sidaa markuu yiri buu Nebigu (S.C.W.) inta kacay oo minbarka fuulay buu jeediyey khudbo. Wuxuu marka hore ammaanay oo hufay Alle dabadeetana yiri intaas kaddib: Waxaan wakiishay midkiin si uu howl iigu soo qabto ah xilkii Alle i dhiibey. Markii uu howsha soo bogo buu ninkaa soo laabanayaa isagoo leh: intaa waa xoolihiinnii, intaanna anaa la i soo siiyey hadiyad ahaan. Haddii uu run sheegayo muxuu guriga hooyadi ama Aabbihi u fariisan waayey illaa uu qof ugu yimaado, oo hadiyado u keena! Alle baan ku dhaaran qofkii wax aan xaqiisii ahayn qaata, wuxuu maalinta qiyaame Alle la kulmayaa isagoo dhabarka ku sida wixii uu ku qaatay xaqdarrada. ee yaanan arag qof idin ka mid ah oo Alle la kulmay isagoo xambaarsan hal guuxaysa ama lo'qeelyeysa ama ri ciyeysa (macnaha isagoo ku laran xoolihii iyo hantidii uu xaqdarrada ku qaatay). Dabadeedna isagoo gacmahiisa kor u qaadaya ilaa caddaanta kilkilooyinkiisu muuqdeen, buu wuxuu yiri: "Alloow ma gaarsiiyey wixii aad i fartay" oo seddex jeer ku celceliyey. (Bukhaari iyo Muslim)

210. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qof kastoo Muslim ah oo walaalkiis xaq darro ka wadoow, ha ahaato sharafkiisa oo uu meel kaga dhacay, ama wax kalebaÕe ha is kala xaalo oo cafis ha ka helo maanta (inta adduunka la joogo) inta aanay iman waqti uusan heysaneyn Dirham iyo Diinaar toonna (yacni qofku uusan shilinna heysan). Haddii dulmiilaha u leeyahay wax camal wanaagsan ah (oo xisaabtiisa ku jidha) waxaa laga goynayaa xisaabtiisa in xaq darradii le'eg, haddii uusan dulmilaha camal wanaagsan lahaynna, dembiyadii kii la dulmay lahaa baa xisaabta dulmilaha lagu darayaa in xaqa darradii uu ka galay leÕeg". (Bukhaari)

211. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMuslim waxaa ah qofkii ay afkiisa iyo addinkiisa muslimiintu ka nabad galaan, Muhaajirna waxaa ah qofkii ka hara oo ka taga wixii Alle ka reebayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

212. Wuxuu kaloo yiri saxaabigaa kor ku xusan : Nin la yiraahdo Kirkira oo u xilsaarnaa arrimaha ku gaarka ah nebiga (S.C.W.) baa dhintay. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu yiri: "Naartuu galay. Asxaabtii rasuulka (S.C.W.) baa waxay aadeen guriga ninkaa dhintay, si ay u soo eegaan arrinta taa keentay mise waxay ka heleen cimaamad uu xaday". (Bukhaari)

213. Abuu Bakar Nufayc ibn Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waqtigu wuxuu ku socdaa sidii loogu tala galay tan iyo maalintii Alle Abuuray cirarka iyo dhulka. Sannadku wuxuu ka kooban yahay laba iyo toban bilood oo afar bilood dagaal iyo dulmi caaggan yahay (afartaa bilood) ay seddex isku xigaan waxayna kala yihiin: Dul Qacdah, Dul Xaj iyo Muxarram, bilna waa Rajab oo u dhexaysa jamaadka dambe iyo Shacbaan, oo ah bishii ku weyneyd oo ay dagaal iyo dulmiba aad uga caaganaayeen dhexdeeda qabiilka Mudar.. Nabigu (S.C.W.) baa dabadeed wuxuu weydiiyey: Bishaanu waa tuma? Waxaynu niri: Alle iyo Rasuulkiisaa og. Sidaa markaynu niri buu cabbaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh buu u bixin doonaa bishan. Markaa buu wuxuu yiri: Sow Dul Xaj ma aha? Waxaynu niri: Haah, way tahay. Dabadeedna wuxuu na weydiiyey : Maxaa la yiraahdaa baladkan? Waxaynu niri: Alle iyo Rasuulkiisaa og. Markaasuu cabaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh buu siin doonaa. Dabadeedna wuxuu yiri: Sow beledkii caagganaa ma aha (in dagaal iyo dulmi lagu dhex sameeyo). Waxaynu niri: Haah wuu yahay. Dabadeedna wuxuu na weydiiyey: Maanta waa maalinma? Waxaynu niri: Alle iyo rasuulkiisaa og. Markaasuu haddana cabbaar aamusay ilaa aan isniri magac hor leh buu siin doonaa. Dabadeedna wuxuu yiri: Sow maalintii gawraca xoolaha ma aha? Waxaynu niri: Haah. Markaa buu wuxuu yiri: Dhiiggiinna iyo maalkinna iyo sharaftiinuba waa idinka caaggan yihiin oo waa xaaraan inaad isku xad gudubtaan, sida ay u caaggan yihiin xadgudubka dulmiguna xaaraan u yahay maalintiinaan iyo magaaladiinaan iyo bishiina tanba. Ma foga maalinta aad Alle la kulmi doontaan. Wuuna idiin xisaabinayaa oo qof walba iyo waa camalkiisa intuu adduunka joogay. Sidaa awgeed is jira oo ha noqonnina dabaday gaalo qaarkiinba qaar dilayo. Kuwiinna hadda goob joogga ahi ha gaaarsiiyeen fartiintan kuwa maqan. waxaa laga yaabaa mid la gaarsiiyey inuu uga dhug roonaada kan dhagaysanaya. Misna wuxuu yiri: "Markaa kaddib buu laba jeer weydiiyey: Ma waanan idin soo gaarsiin wuxuu Alle idin faray" Waxaynu niri: Haah, Gacaliye. Wuxuu markaa yiri: "Alloow marag ahoow". (Bukhaari iyo Muslim)

214. Abuu Umaamah Iyaas ibn Thaclaba (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle wuxuu u waajibiyey naar oo uu gelin, qofkii qof Muslim ah xaqiisa ku duudsiya oo kaga qaada dhaar been ah, waana ka xaaraantinimeeyey jannada. Saxaabi baa yiri: Rasuul Alloow, ma xitaa haddii ay wax yar yihiinna. Wuxuu yiri nabigu (S.C.W.) xataa haddii uu yahay caday (qori geed laga jabsado)". (Muslim)

215. Caddiy ibn Cumayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Markii aan u magacaabo qof idinka mid ah shaqo, haddii uu qofkaa iga qarsado xitaa cirbad iyo wax ka yar. Falkaa waa ku tuugo; wuuna keeni doonaa waxaa maalinta qiyaamo. Markaasaa nin madow oo Ansaar ka mid ah baa istaagey nabiga (S.C.W.) horti, waa sida anigoo arkaya sida aan u xusuusto, kaa oo yiri: Rasuul Alloow fadlan iga cafi shaqada aad ii dhiibtay. Rasuulkii Alle baa weydiiyey ninkaa sababta arrintaa keentay. Ninkii wuxuu yiri: waxaan maqlay hadda waxa aad tiri. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddana mar labaad baan leeyahay oo aan ku celinayaa in qofkii aan shaqo (qaran) u dhiibno waa inuu si dhan u gutaa oo daacadnimo iyo hufnaan leh, oo ka soo baxaa, kana xil dhacaa wax yar ama wax badanba. Markaas wixii la siiyana (oo xaq u yeeshay ah) qaataa wixii kalena ka joogaaÓ. (Muslim)

216. Cumar bin Khadaab (A.K.R.) wuxuu yiri: "Maalintii dagaalii Kheybar baa koox asxaabtii rasuulka (S.C.W.) ka mid ahi intay yimaadeen ka hadleen iyagoo mid mid u magaacabaya rag dagaalka ku jiray oo lagu dilay iyagoo leh hebel waa shahiiday, hebel waa shahiiday markii dambay waxay soo mareen nin (la dilay) oo yiraahdeen isaguna sidoo kale waa shahiiday. Markaa buu nabigu (S.C.W.) yiri: Xaqiiqdu waa inuusan shahiid aheyn. Haddaa waxaa la i tusay isagoo naarta ku jira maro uu xaday darteed". (Muslim)

217. Abuu Qataadah Xaaris bin Ribci (A.K.R.) wuxuu sheegay in nabigu (S.C.W) ka dhex istaagay si uu ugu jeediyo khudbad asxaabtiisii, wuxuu yiri: Alle oo la rumeeyo iyo jidka Alle oo loo jihaado baa camallada wanaagsan u fadli badan. Nin raggii goob joogga ahaa ka mid ah baa intaistaagay yiri: Rasuul Alloow: haddii jidkii Alle aan ku dhinto ma la iigu dambi dhafayaa? Wuxuu ku jawaabay: Haah, haddii jidka Alle laguu dilo adigoo sabraya oo ajar doon ah, cadowgana horay ugu sii socda aan dib u gurud aheyn. Dabadeedna, nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey inuu ku soo celiyo wixii uu yiri: Ninkii baa ku celiyey: Haddii jidka Alle la igu dilo ma la iigu dambi dhaafayaa. Wuxuu ku jawaabay: Haah, haddii lagu dilo adigoo adkaysanaya, oo sabraa ah, ajar doon ah, horay ugu sii socda cadowga aan dhabar jeedis aheyn carar ah. Ha yeeshee deymahaagu kaama dhacayaan. Sidaasna Malag Jabriil baa hadda ii sheegay". (Muslim)

218. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigaa (S.C.W.) wuxuu mar weydiiyey asxaabtiisii: Ma garaneysaan waakee qof kacay (macnaha Mussalifay)? Asxaabtii waxay ku jawaabeen: Waxaan qof kacay (musallifay) u naqaan qof aysan faraha wax ugu jirin oo aan laheyn maal ama hanti kale toonna. Nabigaa (S.C.W.) faahfaahiyey arrintii oo yiri: Qof kacay (mussalifay) Ummaddayda dhexdeeda waxaa ah qof la imaan doona maalinta qiyaamaha camal wanaagsan oo salaad iyo soon iyo seko leh, ha yeeshee xadgudub badanna uu ka dhacay isagoo caayey qof, sharafkiisa meel uga dhacay mid kale, cunay maal qof kale, oo daadiyey dhiig qof uun amaba garaacay qof kale. Markaasaa cid allaale iyo cidduu dulmiyey ay wax ka qaadanayaan dulmiilaha xasanaadkiisa. Haddii xasanaadkiisu dhammaado iyadoo weli wax lagu leeyahay oo dulmi loo heysto, dambiyada kuwii u dulmiyey baa la soo qaadayaa oo dusha laga saarayaa, waxaana lagu tuurayaa naarta". (Muslim)

219. Ummi Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒWax walba ka sokow anigu banii Aadan baan ahay. Doodihiinna iyo garihiinna baa ii imaanaya si aan uga gar qaybiyo. Waxaana laga yaabaa in qaarkiin qaar kaga cod karsan yahay arrinta, oo aan markaas garta ku siiyo sidaas aan ka maqlay. Marka qofkii aan u gooyo wuxuusan mudneyn oo uusan xaq u laheyn, xalaal uma aha, wuxuu iga qaatayna waa qiimo u naar siistay (macnaha waxaa weeye qofkaa waxaa ku qaatay xaq darrada iyo mudnaan la'aanta wuxuu geli naar". (Bukhari iyo Muslim)

220. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofka mu'minka ahi diintiisu waa u nabad, waxaana dhowraya iimaankiisa marba haddii uusan gelin dhiig xaqdarro ah". (Bukhaari)

221. Khawlah bint Caamir (Xaaskii Xamza, nabiga adeerkii) (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: ÒRag baa waxay xadayaan maalkii Alle (sida xoolaha Baytul Maalka, ama hantida guud ee ummadda "qarnka" ) kuwaasu naar bay leeyihiin maalinta qiyaame". (Bukhaari)

Fiiro gaar ah: Ereyga khiyaano ama dulmi waa erey aad loo isticmaalo oo macna ballaaran leh. Waxaana sidoo kale aad loogu isticmaalaa oo uu tilmaamaa shirkiga, sanam caabudidda, Alle diidnimada, iyo diin laÕaanta; shirkiguna waa Alle oo cid kale wax lala wadaajiyo oo lala barbar caabudo. dunuubtana waa la yiraahdaa waa dulmi oo waa lagu magaacaaba.

Laakiinse cutubkan kore dulmiga uu ka hadlayey waa kan dadka dhexdiisa ah, iyo inuu qof u gacan ama af ama addin dhaafo qof kale, oo xaqiisa duudisyo. Haddii aan laga hor teginna oo wax laga qaban waa arrin waxyeeleeneysa nabadgelyada bulshada iyo degganaanteeda. Tillaabada hore si looga hotago oo loo joojiyo arrintaa waa in la aqoonsado xaqa uu u leeyahay qofka ama dadka dulmiga iyo dhibaatada loo geystay inuu helo ama ay helaan xaqoodii laga duudsiyey, loogana gooyo kii ama kuwii dulmiyey. Markaa bayna dadweynuhu, markii ay arkaan in kii dulmiga falay aan sidaa looga hareyn ee mudankiisa la marsiinayo, markaa bay ka waantoobayaan oo uu qof waliba ka joogsanayaa in qof kale uu dulmiyo.

admin@alimuse.com

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14