Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Wanaajinta Dumarka

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 34

WANAAJINTA DUMARKA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

117. "Ula dhaqma (dumarka) si wanaagsan" Suuradda an-Nisaa:Aayada 19

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

118.  "Kari maysaan inaad xaasaskiinna dhexdooda caddaalad fashaan(si kastoo aad u jeclaataan inaad sidaa yeeshaan). Ee leexasho buuxda haka leexannina (middood) oo ha ka tegina sida aad mooddid inay meel ku xirantahay, haddii aad wanaag fashaan (yacni xaqa raacdaan, xumahana aad kadhowrsataan), Alle waa dembi dhaafaa naxariis badan". Suuradda an-Nisaa:Aayada:129.

(Caddaaladdan aan la sameyn karin ee adag waxaa loola jeedaa jaceylkaqalbiga iyo galmada, caddaaladda kalese ee la xiriirta hunguriga, hu'gaiyo hoyga waa la iska rabaa oo waa in caddaalad buuxda laga sameeyo ooaan lagu gabood falin).

273. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Wanaajiya dumarka oo si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqma. Dumarkawaxaa laga abuuray feer (feertuna waa qalloocan tahay) Dhinaca ugu qalloocbadan feertana waa dhinaca sare. Haddii aad damacdo inaad toosiso waa jebinaysaa,haddii aad sideeda u deysana, qallooceeda bay iska ahaan. Marka wanaajiyadumarka oo si naxariis leh ula dhaqma". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay dhigeysaa: "Haweentuwaa feer oo kale, haddii aad toosi is tiraa inay jabto bay halis u tahayhaddii aad doonina inaad ka faaÕideysato, waad yeeli kadhaa waaseiyadoo qalloocan". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Muslim ku tal waxay leedahay: "Haweenta waxaa lagaabuuray feer mana toosin kareysid. Haddii aad dooneysid inaad ku intifaacdoyeel sidaa inkastoo qallooc ku jiro. Haddii aad toosi is tiraana waad jabineysaa,jabinteedana waa furriinkeeda". (Muslim)

274. Cabdullaah ibn Zamca (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga(S.C.W.) oo khudbaynaya, khudbaddaasoo uu kaga warramay hashii (nabi Saalax)iyo habaar qabahii faylaha gooyey. Wuxuu ku yiri khudbaddiisaas: "Markiiuu soo baxay hoogahoodii' Suuradda Ash Shams: Aayadda 13. macnahawaa waxaa hashii u soo baxay madaxoodii, oo shar wale ahaa awood iyo kalmadku dhex leh qabiilkii Samuud, madaxna u ahaa kaa baa u soo baxay si uuu faylo gooyo hasha. Dabadeed nabigu wuxuu ka dardaarmay haweenka oo yiri: "Midkiin baa haweentiisa garaacaya isagoo ula dhaqmaya sida addoon.Maalinta dhammaadkeedana waxaa laga yaabaa inuu la jiifsado oo u tago.Misna wuxuu ka wacdiyey dhuusada lagu qoslayo, oo wuxuu yiri: "Balmuxuu qofku ugu qoslayaa qof kale, oo falaya wixii uu isagu (kaa qoslaya)qudhiisu falayey". (Bukhaari iyo Muslim)

275. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Yuusan ninka muslimka ahi wax caro iyo naceyb ah u qaadin haweentamuslimadda ah. Arrin buu ku qoonsan karaa, waxaase laga yaabaa inuu midkale oo wanaagsan (ka helo) oo uu raalli kaga noqdo". (Muslim)

276. Camar ibn Axwas Jushami (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga(S.C.W.) oo ku leh khudbaddiisii sagootiga ee uu ka jeediyey xajkiisiiu dambeeyey markuu Alle hufay oo ammaanay, oo u digay ummaddiisa raacdaywuxuu yiri: Dhageysta! haweenka wanaajiya oo si naxariis leh ula dhaqma;waa il madow idin la jooga'e iyo maxaabiis gacantiinna ku jira.Wax intaa dheer oo aad ku leedihiinna ma jirto. Haddii ay akhlaaq xumoiska cad la yimaadaan, uga guura sariiraha, oo garaaca garaacid aan waxyeellolahayn, dhaawac iyo dhibaato aan gaarsiineyn. Markaa kaddib haddii ay idinadeecaan wax kale ha u raacannina. Dhageysta! Haweenkiinna xaq baad kuleedihiin, iyaguna xaq bay idinku leeyihiin, Xaqa aad ku leedihiinna waxaaka mid ah inaysan gogoshiinna ku fariisin qof aydaan raalli uga ahayn,gurigiinnana soo gelin karin qof aydaan dooneyn. Xaqoodana waxaa ka midah inaad hagaajisaan huggooda iyo hungurigooda (yacni masruufka iyo marashadooda)".Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

277. Mucaawiyah ibn Xaydah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ka codsaday RasuulkiiAlle (S.C.W.) inuu ii sheego waxa ay haweentu ninkeeda xaq ugu leedahay?Wuxuu yiri: "Quudi sidaada oo kale, goortaad naftaada quudisidba.Arradtir sii sidaada oo kale ah goortaad arrad tiritaba; wejigana ha kudhufan; ha af lagaadeyn (ama ha nacladin), markii aad u carootaanna ooaad damacdaan inaad ka fogaataan, guriga ha ka tegina, oo meel ka mid ahguriga ka jiifsada". (Abuu Daawuud)

278. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Muslimiinta waxaa u iimaan sarreeya kan ugu dabeecad wanaagsan;waxaana idiinku ikhyaarsan kuwiinna haweenkooda u dabciga san".

(Tirmidi) baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

279. Ilyaas ibn Cabdullaah bin abuu Zubaab (A.K.R.) wuxuu sheegay inNebigu (S.C.W.) u digay (muslimiinta) inay si xun ula dhaqmin dumarka.Muddo kaddib baa Cumar (A.K.R.) Nebiga (S.C.W.) u yimid oo yiri: Nebi Alloowhaweenkii nimankoodii waa ku kibreen oo waxay noqdeen waxaan loo dhowaankarin. Markaasuu Nebigu (S.C.W.) in la edbiyo rukhseeyay. Arrintaa kaddibdumar badan baa u yimid xaasaska Nebiga (S.C.W.) oo nimankoodii ka eedsheeganaya. Markaa buu yiri Nebigu (S.C.W.): "dhowr dumar ah baaxaasaskeyga u yimid oo dhaqan xumada raggoodii ka eed sheeganaya. Raggaasidinku jira ikhyaar ma ahee ogaada". (Abuu Daawuud)

280. Cabdullaahi ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: "Adduunyadu waa meel leh waxyaabo wanaagsan, waxa jiranawaxaa u wanaagsan haweeney (xaas) fiican".

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:13