Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Waxkabixi Waxad Jeceshahay

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 37

WAX KA BIXINTA WAXAAD JECESHAHAY XOOLAHAAGA IYO WAXAFIICAN ADIGOO DAR ALLE ULA JEEDA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

123. "Gaari maysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax kabixisaan waxa aad jeceshihiin". Suuradda Aali Cimraan: Aayadda 92.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

124. "Kuwa xaqa rumeeyoow! wax ka bixiya wixii wanaagsan oo aadshaqeysateen, iyo waxa aan dhulka idiinka soo bixinayba, hana damcina (siula kac ah) inaad kan xun bixisaan (sadaqo ahaan)". Suuradda Al-BaqarahAayadda 267.

297. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Dalxa (A.K.R.) wuxuuka mid ahaa dadka Ansaar ugu hodansan xagga dhulalka iyo beeraha timirta.Wuxuu jeclaa beertiisii Bayraxaa oo wixii hanti iyo xoolo uu lahaa ugu wanaagsaneyd. Waxayna ka soo hor jeedday qiblada masjidka Nebiga (S.C.W.) Nabiga (S.C.W.) intuu galo buu ka soo cabbi jirey biyo fiican oo ay laheyd. Markii ay soo degtey aayaddan: "Gaari meysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin), buu Abuu Dalxa (A.K.R.) Nebiga (S.C.W.) u tegey oo ku yiri: Rasuul Alloow Alle wuxuu kugu soo dejiyeyaayaddan, (Gaarimaysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin) aniguna hantidayda waxaan u jeclahay Bayraxaa. Marka sadaqo ahaan xag Alle baan u baxsaday, anigoo ka rajeynaya ajarkeeda xagAlle, ee iga guddoon Rasuul Alloow oo sidii Alle kuu garto ka yeel, Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waa khayr, waa khayr, waa maal aayatiin leh,waa maal aayatiin leh waxa aad tirina waa maqlay, waxaase ila fiican inaad xigtadaada u qaybisid". Abuu Dalxa (A.K.R.) wuxuu yiri: Waa yeelayaa Rasuul Alloow, xigtadiisii iyo ilma adeeradiis buuna u qaybiyey".(Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Aadanahu waa noole bulshoole ah, noloshana bulshada dhexdeeda waxay ku dhisan tahay isii iyo qaado. Iskaashiga oo aasaas u ah nolosha bulshada, suura gal noqonmeyso, hadday dadku diidaan iskaashiga ama in wax loo qabto kuwa u baahan, iyagoo aan waxba ka hagraneyn si daacad lehna u gudanaya howsha. Hase ahaatee camal kaas iyo wax u tarka dadka wuxuu wax ku oolyahay oo keliya, ajar iyo qiimo gal yahay marka dar Alle loola jeedo ee aan loola jeedin dano adduun ku gaara laakiinse loola jeedo si lagu helo raalinimada Alle oo keliya.

Islaamku wuxuu ahmiyad gaar ah siiyey qaybinta hantida iyo xoolaha sadaqada ah qofka qaraabadiisa dhexdiisa, iyo bulsho weynta u baahan guud ahaan. Marka wax la bixinayana , in lagu dadaalo bixinta waxa wanaagsan xitaa hadday sadaqo tahay. Bixinta waxyaabaha xun ee liita waxay keeneysaa naceyb iyo karaahiyo.

Sidaa awgeed, si loo abuuro bulsho caafimaad qabta, loona hormariyo aragtiyooyinka wanaagsan, Islaamku wuxuu dhiiragaliyey qaybinta alaabada iyo hantida wanaagsan marka sadaqo la bixinayo.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14