Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Far ehelkaga Adecida Alle

Home
Up

 

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 38

WAAJIBKA QOFKA KA SAARAN IN WIXII UU MAS'UUL KAYAHAY FARO ADEECIDDA ALLE, KA REEBONA KU CAASINTA ALLE, UUNA U CIQAABO KANA CELIYO HADDAY KHILAAN AMARADA ALLE

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

125. "Oo far dadkaagaa cibaadada, ahowna mid ku sugan arrintaaoo daa'ima (yacni faridda dadkaaga cibaadada). Suuradda Daaha: Aayadda132.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

126. "Kuwa xaqa rumeeyoow! Ka ilaaliya naftiinna iyo ehelkiinaba naar shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxaanta". Suuradda At-Taxriim:Aayadda 6

298. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Xasan ibn Cali (A.K.R.) baa wuxuu qaatay xabbad timir ah oo ka mid ahayd timir sadaqo ah, afkiisana geliyey. Markuu arkay Nebigu (S.C.W.) isagoo muujinaya ka xumaantiisa arrintaabuu yiri: (akh, akh), farayna inuu iska tuuro, oo ku yiri: Ma waadan ogeyn inaynaan sadaqada cunin". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxaa ku soo arooray inuu nabigu (S.C.W.) yiri: " innaga xaggayaga(waxaa loola jeedaa reerka nabiga s.c.w. sadaqadu) nooma bannaana oo waainnaga xaaraan".

299. Abuu Xafs Cumar bin Abii Salamah Cabdullaah bin Cabdul Asad, ooah wiilkii Umm Salamah (A.K.R.) xaaskii Nabiga (S.C.W.) ay u dhashay ninkeediihore, wuxuu yiri: Anoo yar, oo gacanta nabiga (S.C.W.) ku jira waxaan yeelijiray inaan saxanka hadba meel ka qaato markaan raashinka cunayo. Wuxuu igu yiri Nebigu (S.C.W.) : "Maandhow bismilaah dheh, midigtana kucun, iyo raashinka wixii ku soo xiga". Intii ka dambeyseyna sidaasaan wax u cunaa. (Bukhaari iyo Muslim)

300. Xadiiskan horay buu noo soo maray. Wuxuu ka hadlayana waxaan kusoo sheegnay xadiiska tiradiisu tahay 283.

301. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu Aabihiis ka soo weriyey, Aabihiisna aabihi, in Nebigu (S.C.W.) yiri: "Markay ilmihiinnu gaaraan toddobosano salaada fara, una ciqaaba wixii khalad iyo gabood fal ah oo ay salaada ku sameeyaan markii ay toban jirsadaan, jiifkana u kala duwa (wiilasha iyo gabdhaha (markay toban jirsadaan)". (Abuu Daawuud) waa xadiis sanad wanaagsan. Imaam Daawuudbaa wuxuu ku weriyey sanad wanaagsan.

302. Abuu Surayrah Sabrah ibn Macbad al-Juhni (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii ilmuhu gaaraan toddobo jir salaadabara, una ciqaaba (hadduu salaada ka sagsaago) markuu toban jirka yahay".(Abuu Daawuud iyo Tirmidi)

Wuxuu ku weriyey abuu Daawuud xadiiska lafdiga ah: far ilmaha inay oogaan salaada kolkay toddobo jirsadaan. Waa xadiis sanad wanaagsan.

 

Back Home Next

Home
Up

AM ISLAMIC MEDIA

English & Maths Course

Tafsiir Interactive

Qur'aan Self-Study

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

ISFA Students

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Qardhaawi

Maxamed Umal

Maktabad

Fadxulsalaam

Naseexo

Nasiixa

SomaliQuraan.com

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
31/07/2011 13:48:14