Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Xurmaynta Ehelkii Nabiga

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 43

XURMAYNTA EHELKII NEBIGA (S.C.W.) IYO FADLIGOODA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

137. "Arrinta uu Alle doonayo wax kale maahee wa inuu xumaha idinka bi'iyo, oo idinka fogeeyo, Ahlu beydkoow. iyo inuu daahirin idin daahiriyo". Suuradda AL-Axzaab: Aayadda 33.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

138. " Waa saas Qofkii weyneeya camallada iyo waxyaabaha Alle loola jeedo, astaamaha iyo qurbaanadiisa ah, shaki li'i arrintaasu waa astaan iyo mirahii cabsida qalbiyada". Suuradda Al-Xaj 32.

346. Yaziid ibn Xayyaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Aniga iyo Xusayn ibn Sabrah iyo Camar ibn Muslim baa waxaan u tagnay Zayd ibn Arqam (A.K.R.) markii aan la fariisannay buu yiri Xusayn: Zaydoow khayr badan baad la kulantay, nebigii baad (S.C.W.) aragtay oo sheekadiisii dhegeysatay; oo jihaadkii ku wehlisay; oo ku daba tukatay salaadahaada. Shaki liÕi khayr badan baad la kulantay. Zaydow! Fadlan wax nooga sheeg wixii aad ka maqashay nebiga (S.C.W.) Wuxuu yiri: Maandhow wa aan gaboobey, waqtigeygiina waa tegay; qaar ka mida waxyaabahii aan nebiga (S.C.W.) ka xafidayna waa halmaamay, ee wixii aan idiin sheegana iga qaata hana igu shuqlinnina inaan soo xusuusto waxyaabahaas aan halmaamay. (Dabadeedna wuxuu yiri) Nabiga (S.C.W.) baa mar inoogu khudbeeyey Khuma, tog u dhexeeya Makkah iyo Madiina. Markaa buu nebiga (S.C.W.) Alle mahdiyey oo ammaanay oo inoona digay isagoo innagu baraarujiyey cadaabta Alle iyo ajarka weyn ee agtiisa yaal haddana mar labaad wuxuu ammaanay Alle oo markaas yiri: I maqla dadow, anigu ma ahi waxaan aheyn qof (idin la mida) waxaana laga yaabaa inay tii Alle ii timaaddo dhowaan oo aan xijaabto, waxaan idiinka tegeyaa laba arrimood oo muhiim ah. Kan hore waa QurÕaanka kariimka ah, kitaabka Alle; waxaa idiin ku sugan xeerar iyo xukunno iyo hanuun. Waana nuur iyo ileys jidka nolosha lagu iftiinsado. Dhab u qabsada kitaabkan, oo dhinacna ha uga beyrina. Wuxuu ahmiyad weyn siiyey oo aad inooku adkeeyey arrinkaa, oo ku waaniyey dadkii rumeeyey inay noloshooda saldhig uga dhigaan oo ay ku jimeeyaan kitaabka Alle. Markaa kaddib wuxuu yiri: Arrinka labaad, waa ahlu beytkeyga yacni xubnaha reerkeyga. Waxaan idiinku yeerayaa hor Alle, inaad xurmeysaan oo tixgelin iyo qaddarin gaar ah siisaan eheladeyda, waxaana marlabaadna Alle horti idiinku yeerayaa inaad dhowrtaan eheladeyda. Xusayn ibn Sabrah baa markaas wuxuu yiri: Zaydoow, waa kuwee ehelada rasuulka iyo xubnaha reerkiisa? soo ka mid ma aha xaasaskiisu eheladiisa? Zayd wuxuu ku jawaabay: xaasaskiisu waa ka mid eheladiisa, sidoo kale waxaa ka mid inta sadaqada laga reebay inay aqbalaan ama sakada isaga dabadi. Xusayn wuxuu weydiiyey: Waa kuwee? Zayd wuxuu yiri: Waa reer Cali, Caqiil, Jacfar iyo Cabbaas. Intaasoo dhan sadaqada ma laga reebay (bay weydiiyeen)? Zayd wuxuu yiri: Haah. (Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Dhageysta waxaan idiinka tegeyaa laba waxyaalood oo waaweyn midkood yahay kitaabka Alle; waa xariggii Alle. Qofkii raacaa uu jidka toosan ku hanuunayo; qofkii ka tagaana oo dan aan u gelin, uu dhumayo, jidka toosanna ka habaabayo.

Fiiro gaar ah: Xadiiskan, arrimaha dhowrka ah ay ku soo arooreen, wuxuu daaha ka qaaday dabeecadda Aadannanimo ee nabiga (S.C.W.) nabiga oo isagu naf ahaantiisa caddeeyey inuu ahaa Aadane innaga inala mid ah, marka laga reebo inuu ka helay risaalad xag Alle, oo looga waxyooday.

347. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Bakar as-Sidiiq wuxuu yiri: Ku sharfa (Sayidkii sharafta iyo darajada weynaa) Muxammad, (Rasuulkii Alle S.C.W.) inaad sharaftaan eheladiisa. (Bukhaari)

Back Home Next


Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:12