Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Fadliga Maalinta Jimce

Home
Up

 

 

Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadoynka la samaayo

Allaha Sarreya wuxuu ka doortay maalmaha maalinta jimcada, sida uu  uga doortay habeenada habeenka leilatul qadri, uugana doortay bilaha bisha ramadaan. Maalinta jimcada waa maalinta ey muslimiinta isku imaadaan, oo ey warka kala qaataan iyo waxa soo kordhay isbuucaas waa ciida isbuuca. Alle ayaa maalintaan u doortay ummadaan kana dhumiyey umadahi naga horreyey asagoo nagu fadliyeelayo. Maalintaan waa maalinta aabeheen aadan la abuuray,  waana maalinta ey qiyaamadu dhageyso waana maalinta jannada la galayo.

Nabigana wuxuu yiri: ”Maalinta uugu qeyrka badan ey qoraxdu soo baxdo waa maalinta jimcada.”

Sidoo kale Nabiga wuxuu yiri: ”Salaadaha shanta iyo jimca ka jimca iyo ramadaan ilaa ramadaan waa dambi dhaaf inta u dhaxeyso hadii uu ka fogaado kabaairta.” (Muslim)

 

Waxaa jiro cibaadoyn gaar u ah maalinta jimcada eynan la wadaagin maalmaha kale waxaa ka mid ah:

1.      Salaada jimcada iyo isku diyaarinteeda (maqaalka soo socdo ayaan sifiican u faahfaahdoonna inshallah).

 

2.      In maalinta jimcada la aqriyo suuratul kahf (Suuradaan qofkii xifdiyo 10 aayad ee hore riwaayad kalena 10 aayad ee dambe waxey kaa xifdinaayaan dajjaal).

 

3.      In lagu tukado salaadda subax ee maalinta jimcada suuratul sajda rakcada koowad tan labaadna suuratul insaan.

 

4.      Waxaa ku jiro waqti ducada la aqbalo oona culumadu u badanyihiin in ey tahay:

a.       inta u dhaxeyso aadaanka jimcada ilaa laga galaayo salaada jimcada

b.       ama salaada casir kadib ilaa maqribka

 

5.      In la badiyo ku sallinta nabiga sallalaahu caleihi wa sallam.

 

Wa akhiru dacwaana alxamdulilahi Rabil Caalamiin

Golaha ducada Soomaaliyeed

daaciga@hotmail.com

16/7/1431

28/6/2010

Home
Up

Tafsiir Interactive

Qur'aan Self-Study

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

ISFA Students

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Qardhaawi

Maxamed Umal

Maktabad

Fadxulsalaam

Naseexo

Nasiixa

SomaliQuraan.com

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
09/05/2012 08:59:56