Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Fadliga Maalinta Jimce

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

 

Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadoynka la sameeyo

Allaha Sarreya wuxuu ka doortay maalmaha maalinta jimcada, sida uu  uga doortay habeenada habeenka leilatul qadri, uugana doortay bilaha bisha ramadaan. Maalinta jimcada waa maalinta ey muslimiinta isku imaadaan, oo ey warka kala qaataan iyo waxa soo kordhay isbuucaas waa ciida isbuuca. Alle ayaa maalintaan u doortay ummadaan kana dhumiyey umadahi naga horreyey asagoo nagu fadliyeelayo. Maalintaan waa maalinta aabeheen aadan la abuuray,  waana maalinta ey qiyaamadu dhageyso waana maalinta jannada la galayo.

Nabigana wuxuu yiri: ”Maalinta uugu qeyrka badan ey qoraxdu soo baxdo waa maalinta jimcada.”

Sidoo kale Nabiga wuxuu yiri: ”Salaadaha shanta iyo jimca ka jimca iyo ramadaan ilaa ramadaan waa dambi dhaaf inta u dhaxeyso hadii uu ka fogaado kabaairta.” (Muslim)

 

Waxaa jiro cibaadoyn gaar u ah maalinta jimcada eynan la wadaagin maalmaha kale waxaa ka mid ah:

1.      Salaada jimcada iyo isku diyaarinteeda (maqaalka soo socdo ayaan sifiican u faahfaahdoonna inshallah).

 

2.      In maalinta jimcada la aqriyo suuratul kahf (Suuradaan qofkii xifdiyo 10 aayad ee hore riwaayad kalena 10 aayad ee dambe waxey kaa xifdinaayaan dajjaal).

 

3.      In lagu tukado salaadda subax ee maalinta jimcada suuratul sajda rakcada koowad tan labaadna suuratul insaan.

 

4.      Waxaa ku jiro waqti ducada la aqbalo oona culumadu u badanyihiin in ey tahay:

a.       inta u dhaxeyso aadaanka jimcada ilaa laga galaayo salaada jimcada

b.       ama salaada casir kadib ilaa maqribka

 

5.      In la badiyo ku sallinta nabiga sallalaahu caleihi wa sallam.

 

Wa akhiru dacwaana alxamdulilahi Rabil Caalamiin

Golaha ducada Soomaaliyeed

daaciga@hotmail.com

16/7/1431

28/6/2010

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:15