Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Maraynta Khilafka

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Maaraynta Khilaafka

 Khilaafka waxa lagu qayaxay inuu yahay laba dhinac oo  mid waliba halgan & iska caabin xoog badan wato, iskuna dayaayo inuu dhinac walba ka guulaysto kakale, ama xoogag iska soo horjeeda oo dagaal qarsoon & loolan dhex socdo, Khilaafku waa dagaal qadhaadh balse dadku inta badan indho toosa ku arkin.

 Khilaafka waxaad moodaa inuu yahay wax waligiiba nolasheena ka mid ah, oo goob kasta oo dadku iskugu yimaado ama ay ku kulmaan laba ruux ama in ka badan waxaad arkaysaa khilaaf taagan.

 Dadka qaar baad ka maqlaysaa oo leh khilaafku mararka qaarkood wuu u fiican yahay dadka, taas waxaan u fahamay inay u jeedaan marka waxa xun oo bulshada aan u fiicnay la khilaafaayo wuu fiican yahay. Runii khilaafku waa shucuur khatar ah oo baabiisa umada hadii la xalin waayo. Meesha uu jiro is maan dhaaf aan ahayn shucuur khatara ama qiiro halisa laakiin hadalka uun laysla fahmi waayay kaasi maaha khilaafka khatarta ah.

Waxyaabaha khilaafku ka Bilowdo

Khilaafku wuxu ka kacaa waxyaabo badan kuwaas oo ka turjumaaya inaynu kala duwanahay oo aanay dadka bini aadam ka ahi aanay isku figrad ahayn, sina wax u wada araka ahaynin, ee qof walba uu si gaara wax ula muuqdaan kalana figrad duwan yihiin. Dadku wuu ku kala duwan yahay xaga Shakhsiyada, Figradaha, Ma’aadida, Akhlaaqda, Dabeecada, Dhaqanka,Diinta, Sinjiyada intaas oo dhanba. Khilaafka & iska hor imashadu waxay ka dhashaan mararka qaarkood waxyaabo yaryar oo fudud sida hadalka oo laysla fahmi waayo deedna ismaandhaaf yimaado oo qofba hadalka si u qaato.

Maareeynta Khilaafka

 Hadii aynu isticmaalno figrada ku salaysan habka wada shaqaynta (Colloborative Concepts) waxaa hubaal ah inaynu sare u qaadi karo guulna ka gaadhi karo xalinta khilaafaadka dhex deena ka dhaca & iska hor-imashada. Figradani waxay dhalinaysa inaynu dhinac kaliya u wada jeedsano indha kaliyana ku eegno dhibka dhex deena yaala, oo qof walba figradiisa ladhageysto deedna talada la rogrogo, iyada oo cid tartamaysaa jirin. Deedna aynu gaadhno heshiis dhan walba raali ka yahay (Win-Win Situestion).  Hababka loo xaliyo khilaafka iyo isaseegida koow waxaa u asal ah in qofku fahan san yahay hadii khilaafka la xalin waayo oo uu sii socdo waxa ka danbeeya waxa uu yahay, waxa ka danbeeya waxa weeye labada dhinac ee is hayaa laba qof, laba kooxood, laba qabiil, laba urur ama dowladood kuu doono ha ahaadee in mid waliba dhinac isku xayd xaydo oo goolaaftamo deedna lays dilo oo dagaal dhaco halkaasna dhimasho iyo khasaare yimaado. Xataa hadii adigu aanad labada dhinac ee dagaalamaya aanad ka mid ahayn laakiin aad la deegaan tahay khasaaraha & eedu way ku soo gaadhayaan saamayn weyna waad ku yeelanaysaa. Sidaas daraadeed cid kasta oo aragta khilaaf agteeda ka dhacaya waxa lagudboon inay xaliso.

Marka hore waxaad ogaata khilaafku wuxuu jiraa inta xaqiiqadu maqantahay laakin marka xaqiiqada lahelo khilaafku wuu dhamaada. Sidaas daraadeed waxaa haboon dadka Soomalida ah ee raba inay khilaafaadka xaliyaan inay marka hore xaqiiqada raadiyaan deedna xaqiiqada soo bandhigaan, waynu iswada naqaana khilaafka inaga dhex taagan waynu ogsoonahay waxa uu yahay laakiin waxaynaan qiimo u yeelin dhibta ka imaynsa hadii aynu xalin wayno. Dadka is haystaana kuma xisaabtamaan khasaaraha ka soo gaadhaaya inay khilaafka ku sii jiraan iyo wakhtiga kaga lumaaya, mar walba waxaa muhiim ah oo haboon in khilaafka la xaliyo. Dadku hadii ay khilaafkooda iyo muranka dhex mara xalin kariwaayaan waxaa lagu tlmaama inay yihiin umad dumaysa oo jahli haysto.

 Hadii aynu nahay Soomalida runtii waxa aad inoola gudboon inaynu wax badan isku taxalujino barashada xalinta khilaafka waayo wax kasta oo aynu dhisno maalin kaliya ayaa laga yaaba inuu ku dumo marka ay mushkilad yar ama khilaaf ina dhex maro ayuunbaynu xalin kari waayeena taasina waa ayaan darro.

Xirfada xalinta khilaafku wax kale maaha ee waa inaad ogaatid uun inaynu kala duwanay kala figrado nahay,qofba si u fikiraayo, hadii adiga si kula qurux badan tahay Aniga way ila fool xuntahay, kuwa kalena waxbaba lama aha. Markaas dadku markay rabaan inay wax xaliyaan waa inay iswaydiiyaan muxuu waxani ku yimid, waa maxy dhibta uu keeni karo, hore miyay idiin soo martay. Intaas markaad qiimo ku samayso ayaad xal heli kartaa. Shayga dhagaysiga layidhaadaana waa shay aad u qaali ah, dadka qof waliba qofka uu ka dhagaysi wanaagsan yahay ayuu ka fahama fican yahay xogtana ka heli ogyahay.

Lasoco qaybaha dambe hadii Eebe Idmo.

 

www.alimuse.com

 

 

 

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:17