Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Heyb Sooca

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA?)DOOD FURAN (QAYBTII LABAAD & QALINKII (MR GABOYE)

Qoraaga weyn ee Mr Barkhad Gabooye  
 

Walalayaa waa qeybtii labaad ee dooda aheyd (maxaan ku muteystey heyb-sooca ,)waxaan qeybtii hore doodeydan ku soo bandhigey guud ahan quursiga & dulmiga heyb-sooca ee lagu takoorayo umad dhaan oo islama oo idinla mida ,qeybtan labad waxaan ku eegidoona ,alleh ,st.& diinteena islaamku waxey ka qabto quursiga dulmiga & dhalanteedka nasabnimo.
Intaan uguda galin arintaas waxaan doonaya ineynu bal wada ogaano halka uu ka yimid & cidii bilowdey quursiga & nasab ku faanka dhalanteedka ah ,hadaba su aashu waxey tahey:
 
Su'aal:- Yaa bilaabey quursiga ?muxuuse muteystey ?
 
J- Jawabtu waxey tahey, Allah (st) Markii uu abuurey, nabiyuna Aadan (cs) Aabihii Aadamiga inuu ku amrey Malaaiigtiisu iney u Sujuudaan Nabi Aadan (cs) waxaa amarkaas Allah (st) jabiyyey waxuu ahaa Ibleys (Nacali korkiisa ha ahatee), waakii Ibleys diidey Amarka Allah (st) kuna faaney inuu ka dhalasho wanagsanyahey yidhina ( ma anigood Naar iga abuurtey, halkaasna uu Ibleys uga jeedey ma anigood Naar iga abuurtaa u su juuda Aadan (sc) ood ka abuurtey Dhoobo) taasi waxey ku tuseysaa inuu Ibleys quudhsi & isla weynaan aan meel jirin & nasab dheeridba sheegtey, waxaanu ku muteystey Kibirka & qabka sareynta uu sheegtey inuu Allah (st) ugu bushaareeyey Ibleys Naarta jahanabo isaga iyo inta raacdaba subxaanalaah Rabi inagama dhigee aamiiiiin,
 
Hadaba walaalayal ma shaki baa ku jira quudhsiga & Dulmiga uu Allah (st) xaaraan-timeeyey iney yihiin Hadimadii & kibirkii uu ibleys ku halaagmey kuwa ku deyda ee jidkiisa maraana ee aaminsan iney Adoomada ilaahey ka sareeyaan kana dhalasho nasab wanagsanyihiin ee caadeystey dhaqano & caadooyin dhalanteeda ee umad islaama yasaya kuna tilmaamaya dad ka liita, sow ibleys mey waheshan darisna lamey noqon, cadaabna mu teysanmaayan.
 

Qoraaga weyn ee Mr Barkhad Gabooye

kuwa xaqa dabooley ee Diinta yaqaana ee Culimaa-udiinkuna sow ma aha kuwa xaqa Allah (st)& Aayadihiisa indhaha ka qarsadey ee u nixi waayey dadka caamaha ah ama jaahiliinta ah sow kuma qariyey ma aha ayaadii Allah (st)
 
"Ina akramakum cid dallaah atqaakum?".
 
Sow Aayadii Allah (st) ee qeexeysey ma aha, umadeyda cid cid ka sareysaa ma jirto waxey kukala sareeyana ma jirto, waxeyse ku kala fadli badanyihiin umadeydu waa Allah (st) Ka cabsiga & cibaadada Allah (st) sow mey aheyn ,yaa qariyey, yaa la bakheyley Aayaadka illaahey, sow culimaa-udiinka ma aha, waxaad arkeysa, walalayal, boqolaal cajaladood oo ay duubeen, kuwa ugu waaweynaa culimaa-u diinka Soomaaliyeed oo xadiis & mukhaadaraba ah, hal cajalad oo uu midkood kaga hadlayo Quursigan umadoodu ay ku heyso ummad Islaama oo walaladoona kuma jirto iska daa cajalad ay u duubaane masaajidada kagama hadlaan xaqa Allah.
 
Waxaa laga yaaba Culimaa-udiinka kuwa geysanaa quursiga & dulmiga lagu hayo umadan beesha Gaboye kuwa u geystaa iney yihiin kuway wadaadadu dhaleen, kuwa ay walaalo yihiin, kuwa waalid ay u yihiin amaba iyaga loo waalid yahey, sow xaqu muu aheyn iney ummada u soo bandhigaan Diinta Islaamka & Aayadaha Allah (st) ee xaraan timeynaya dulmiga & quursiga.
 
 

waxaa uu rasuulkeenii muxamaed aha ,cst. Uu xadiis ku yiri: "Qof islaama waxa danbi ugu filan inuu dulmo qof islaama oo walaalkiiya Subxaanallaah, yaa qariyey xaqa Allah (st), bal walaalayaal eega aayadkan Allah (st) & xadiista qaar ka mid ah Rasuulkeenii Muxamaed (csw) ee inoo sheegaya halka uu Allah ka abuurey Aadamigiisa & inaaney jirin wax kala sareyni, sow kuwa inaga qariyey ee aan xaqa Allah (st) indhaha ka qarsadey ma aha, Culima-udiinkan, qeyb weyna sow kamey qaadan quursiga & dulmiga allah uu xaaraan tiimeyey culimaa udiinku.
 
Marka qofkii Ilaah isku taaga wuxuu Allaah milicsiiyaa meeshuu ka yimid sida aayadaha Qur’aanka ugu horreeyaba xuseen:

أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ


Ilaahay wuxuu leeyahay miyuuna qofku arag oo u dhabbogelin inaan ka abuurnay biyo waana isagooba ah doodbadane cad.
Bal Xaddiiskani oo Abuu Daa’uud soo saaray hanoo bayaansho meeshaan ka nimid


قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏إن الله عز وجل قد أذهب عنكم ‏ ‏عبية ‏ ‏الجاهلية وفخرها بالآباء مؤمن تقي وفاجر شقي أنتم بنو ‏ ‏آدم ‏ ‏وآدم ‏ ‏من تراب ليدعن رجال فخرهم بأقوام إنما هم فحم من فحم جهنم أو ليكونن أهون على الله من ‏ ‏الجعلان ‏ ‏التي تدفع بأنفها النتن
 

 
Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: ALLAAH CAZA WAJALLA wuxuu idin ka tagsiiyey sheegsheega iyo isugu faanka jaahiliyadda aabbayaasha (qabiilka); waxaa jira mu’min taqi ah iyo faajir hoogay; kulligiin ilmo Aadam baad tihiin, Aadamna ciid baa laga abuuray; wey ka tagayaan niman ku faanka qolo noqotay dhuxushii Jahannamo (mushrikiintii dhimmatay) ama waxay Ilaahay agtiisa ka ahaanayaan kuwa ka liita xaar-walwaalka/doorshaanka.
 
Sidoo kale qofkii Ilaah ka baqa isaga laftiisa waxaa la milicsiiyaa halkaan ka nimid oo ah aabbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa laakiin waxaa lagu sheegay inuu yahay kan dadka ugu sharaf badan. Bal aayaddan cajiibka ahna aan ku darno:
 
 

يَا أَيّهَا النَّاس إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَر وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِل لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمكُمْ عِنْد اللَّه أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّه عَلِيم خَبِير

 
Aayaddu waxay leedahay: dadoow waxaan idin ka abuurnay nin iyo haweeney waxaanna idin ka dhignay shucuub iyo qabaa’illo si aad isugu garataan; qofka idiin ku sharaf badan Ilaahay agtiis waa kiinna ugu taqisan.

Waa kee qofka noqon kara taqi? Wey dhici kartaa qof fidrada ku taagan oo fahmay meeshuu ka yimid inuu noqdo qof wanaagsan hadduu helo culumo fiican laakiin sida qaalibka ah taqwadu waxay rabtaa cilmi iyo camal. Bal aan fiirinno aayaddii Ilaah ku lahaa:
 
نَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ

Waxaa Ilaahay ka baqa adoomadiisa culumada ah.
Yacni waa baqdinta saxda ah maxaa yeelay qofka caalimka ah wuu u jeedaa wuxuu sameynayo iney sax tahay iyo in kale halka qofka caamiga ahi uu cid kale ku xiranyahay.

 
Marka haddaynu xaggii cilmiga ka gaabinnay waa ineynaan hilmaanin halkeynu ka nimid. Marka qofka caalimka ah ma qabato maahmaahyaha ah: fiqi tolkiis kama janno tago. Ama: tolkaa iyo kabtaadaba bartankaa looga jiraa. Caalimkaasi ma aha kitaab-gaab oo sida walaalo badan soo qoreen dhaha: haddii qabiilkeygu saxanyahayna waa saxnahay hadduu xumaadana waan la xumaan. Laakiin caalimku wuxuu maqlaa Ilaah. Waxyaalaha caalimku daliishado waxaa ka mid ah aayaddan:
 
لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي م��ن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ


Aayaddu waxay leedahay: ma heleysid qolo Ilaahay iyo Aakhiro rumeysan oo kalgacal u haya dad ka horyimid Ilaahay iyo Rasuulkiisa, dadkaasi haba ahaadeen aabbayaashood, ilmahooda, walaalahooda iyo xigaaladooda ilaa dhammaadka aayadda.
Sidoo kale waxay maanka ku hayaan xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa qofna laguma adeecayo macsida Abuuraha. Marka duulkaas Ilaah ka baqa cidna xumaan kuma raacaan haba ahaadeen dadka dad ugu dhow sida waalid, wiilashooda iyo walaalahoodaba.
 
Hadaba walaalayaal, waxaan doodan u soo bandhigey inaad igala qeybgashaan walaalaheyaga ka Xoroobey jahliga & Aqoondarida ee leh Damiir bini-Aadanimo, Damiir dadnimo, Damiir islaanimo inay aragtidooda caafimadka leh ka dhiibtaan waxaa iman doonta walee Maalin aan wax la qarin- karin Xaqu ii dilaaci, qofkastaba wax laga weydiin nolashiisa, maaliintasoo Qabiil wax kuu taraya, Ehel wax kuu taraya, Tol wax kuu taraya uusan jirin ee waxa kaliya ee qofkasta badbaadinaya ay tahey ku dhaqanka Saqa Allah & macalka suuban ee walaalayaal xaqa aynu is-tusno hana laga waantoobo dhalanteedka aan meel jirin.
 
 
WABILAAHI TOWFIIQ
 
 
 
Qoraagii weynaa ee Barkhad Xaaji Cabdi "Mr Gaboye"
 

Ontario, Canada

email:abokoriye1@hotmail.com
 

[ Qaybti   labaad}
 


   


Wixii faahfaahina fadlan la xidhiidh Qoraaga: abokoriye1@hotmail.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:19