Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kitaabo Contents Contact usFadliga Suxuurta

Home
Up

FADLIGA SUXUURASHADA SAACADAHA UGU DAMBEEYA EE HABEENKA (INTA RAMADAANKA LAGU JIRO) HADII AAN LAGA BAQEYN WAA BERIGA

1228. Anas A.K.R. wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Suxuurta, maxaa yeelay waxaa ku jirta barako suxuurta.’  (Bukhaari iyo Muslim)

1229. Zayd bin Saabit A.K.R. wuxuu yiri: Mar  intaan Nebiga (S.C.W.) la suxuurannay waaberiga ka hor (iyadoo bil Ramadaan Soon lagu jiro) baanu dabadeed salaaddii subax u kacnay. Waxaa la weydiiyey Nebiga (S.C.W.) intii u dhexaysey labadaa suxuurta iyo salaadda? Wuxuu yiri: ilaa intii laga akhriyo konton Aayadood oo Qur’aanka ka mid ah.      (Bukhaari iyo Muslim)

1230. Ibn Cumar A.K.R. wuxuu sheegay in Nebigu (S.C.W.) uu lahaa laba Mu’addin oo kala ahaa Bilaal A.K.R. iyo Ibn Umm Maktuum A.K.R. Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Bilaal A.K.R. wuxuu adimaa goor hore iyadoo weli habeenimo ah. Sidaa awgeed iska cuna oo iska cabba ilaa uu Umm Maktuum (A.K.R.) addimo. Wuxuu yiri: Waxay ahayd xaqiiqdii waqti yar intii u dhaxeysey labadaa markii mid soo degey oo kan kale fuulay sarta sare.                         (Bukhaari iyo Muslim)

1231. Cumar bin al-Caas A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Waxaa keliya uu kaga soocan yahay ama farqi ah u dhexeeya  soonkeenna iyo soonka ehlu-Kitaabka waa Suxuurta, (Waxaa loo la jeedaa Kiristaanka iyo Yuhuuda ee aan suxuuran).                                       (Muslim)

Home
Up

Buuga Martida

Islamic Links

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakar

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Nuuruliimaan

Somalislam

Somali Sunah

Warfawebsite

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright © 2007 Alimuse.com/                                           
19/11/2008 18:14:34