Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Fadliga Salaadaha

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

FADLIGA SALAADAHA INTA LAGU JIRO HABEENNADA BARAKEYSAN AY KU DHEX JIRTO LAYLATUL-QADARKA (HABEENKA QADARKA) IYO KHAYR FILASHADA HEBEENNADAA IYO HABEENNADA LA FILAYO INAY KU JIRTO

Allaah, Subxaanahu wa tacaalaa, wuxuu yiri:

إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْر " وَمَا أَدْرَاكَ مَا لَيْلَةُ الْقَدْرِلَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِّنْ أَلْفِ شَهْر5 تَنَزَّلُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمْرٍB سَلَامٌ هِيَ حَتَّى مَطْلَعِ الْفَجْرِ

“ Xaqiiqdii Annagaa soo dajinnay Qur'aanka Habeenka Laylatul Qadarka ah (sharafta leh). Waa habeen ka khayr badan kun Bilood (oo kale). Waxaana soo daga Malaa'igta (kale) iyo Malaku Jibriil habeenkaas idanka Alle dartii iyo amarkiisa, Waana Habeen nabadgalyo inta waagu ka baryo. (97:1-5).

Wuxuu Alle SWT innoogu sheegay Suuraddan inuu Qur'aanka sharafta leh soo dajiyey Habeenkaa wanaagsan ee ka khayr badan kun bilood, waxaana la sheegay in Habeenkaasi ku jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan. Sidaas daraadeed mar haddii uu yahay Habeen Sharaf leh Malaa'igtuna soo dagi Habeen nabadgalyana yahay, waa in lagu dadaalaa sidii loo helilahaa ee looga faa'iideysan lahaa Cibaaddada iyo wanaagana loo badin lahaa, xumaantana waa in laga tago. Abuu Hureyrah A.K.R. waxaa laga wariyay in Rasuulkii Alle (S.C.W.) inuu yidhi: <<Ruuxii Istaaga Laylatul-Qadarka Salaadd, Rumayn, iyo Ajri doonid darteed waa loo dhaafaa wixii hormaray oo dambigiisa ah>>. (Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim).

Wuxuu kaloo Allaah SWT yidhi:

إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ  5

" Xaqiiqdii, Waxaan soo dejinnay Qur’aanka habeen barakaysan (Habeenka Qadarka)." (44:3)                                                                                         

1188. Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Qofkii u kaca inuu tukado salaado Nafaal ah (Sunno-Taraawiix iyo tahajuud) habeenka Laylatul-Qadarka Iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa laga dhaafi doonaa wixii dembiyo (yar yar) hore uga dhacay).                                      (Bukhaari iyo Muslim)

1189. Ibn Cumar A.K.R wuxuu yiri: ‘ Rag ka mida asxaabtii Nebiga (S.C.W.) baa waxaa lagu tusay Laylatul-qadarka inay ku jirto toddobada habeen ee u dambeysa bisha Ramadaan riyo Markaasuu Nebigu S.C.W. yiri: ‘ Riyooyinkiina waxay sugeen ku jiridda leylatul Qadarka toddobada habeenood ee u dambeysa (bisha Ramadaan), Sidaa awgeed qofkii raadsha Habeenka Qadarka waa inuu ka doono toddobada habeen ee u dambeeysa bisha Ramadaan).                (Bukhaari iyo Muslim)

1190. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu sigaar ah ugu dadaali jirey isagoo ku ictikaafi jirey masjidka tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadaan, wuxuuna yiri: ‘ Ka raadsha oo ka doon-doona Laylatul Qadarka tobanka habeen ee u dambeeya bisha Ramadaan.          (Bukhaari iyo Muslim).

1191. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ka raadsha oo ka doon-doona Laylatul-Qadarka tirade isdheer (waa 21aad, 23aad, 25aad, 27aad, 29aad,). Ee tobanka habeen ee u dambeeya bisha Ramadaan.       (Bukhaari).

1192. Caa’isha A.K.R. waxay sheegtay in markii tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Ramadaan billowdaan, Nebigu (S.C.W.) uu habeenka oo idil soo jeedi jirey oo sidoo kale toosin jirey reerkiisa, guntiga buuna giigsan jirey macnaha waxaa weeye wuxuu aad ugu dadaali jirey cibaadada iyo inuu u tukadaa Allaah.                       (Bukhaari iyo Muslim).

1193. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu ugu dadaali jirey (Cibaadada) bisha Ramadaan si ka badan bilaha kale, wuxuuna ugu dadaali jirey cibaadada iyo salaadaha tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Ramadaan si ka badan sidii uu ugu dadaalay labaatanka maalmood ee hore Bisha Ramadaan.      (Muslim)

1194. Caa’isha A.K.R. waxay sheegtay inay weydiisey Nebiga S.C.W. Rasuul Alloow , haddii aan garto oo la kulmo habeenka Laylatul-Qadarka maxaan iraahdaa oo ku duceystaa habeenkaa? Nebigu S.C.W. wuxuu yiri: ‘ Dheh: Allaahumma in-naka Cafuwun tuxibbul cafwa facfu cannii.’  Oo mecnaheedu yahay: ’Alloow Adiga baa wax cafiya oo jecel wax cafiyidda ee iska kay cafi.’     (Tirmidi oo yiri waa xadiis, saxiix ah).

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:19