Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Afur Dedejinta

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

FADLIGA AFUR DEDEJINTA IYO WAXAA FIICAN IN LAGU AFURO IYO WAXAA LAGU DUCEYSTO AFURKA KADDIB

1232. Sahal bin Sacad A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Muslimiintu waxay ku sugnaan doonaan jidka toosan inta ay dedejinayaan afurka (ay afurayaan durbadiiba kaddib markii ay qorraxdu dhacdo oo afurka kaddib salaadda la galo). (Bukhaari iyo Muslim)

1233. Abuu Caddiya  (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Aniga iyo Masruuq baa aadnay si aan u soo booqanno Caa’isha A.K.R. Masruuq baa wuxuu ku yiri: ‘ Waxaa jira laba nin oo asxaabtii Nebiga ah labaduba kama gaabiyaan inay kasbadaan khayr iyo samaan: laakiinse midkood wuxuu dedejiyaa afurka iyo oogidda salaadda Maqrib, midka kalena labadaba waa daahiyaa? Caa’isha A.K.R. waxay weydiisey: Waa kee midka dedejiya afuridda iyo oogidda salaadda Maqrib? Wuxuu ku jawaabay: Cabdullaah ibn Mascuud. Waxay tiri: Nebiguba (S.C.W.) wuxuu yeelay sidaas oo kale.     (Muslim)

1234. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Allaah Cazza Wajalla wuxuu yiri: ‘ Addoommadayda waxaaan ugu jeclahay midka dedejiya afuridiisa. ‘ (Tiridi oo yiri: waa xadiis xasan ah).  Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan senedkiisu waa daciif.

1235. Cumar bin Khaddaab A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Habeenku markuu halkaas ka yimaado (Bari), maalintuna halkaas ka sii socoto (Bugux), Qorraxduna dhacdo, markaas qofkii soomanaa waa inuu afuraa.’ (Bukhaari iyo Muslim) 

1236. Abuu Ibraahim Cabdullaah bin Abii Awfaa (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Mar waxaanu kula jirnay Nebiga S.C.W. safar, wuuna soomanaa, markii ay qorraxdii dhacday, wuxuu  S.C.W. ku yiri raggii nin ka mida: ‘ Hebaloow, fadlan deg oo noo diyaari shurabadda. Ninkii baa yiri: Rasuul Alloow ! xoogaa iftiinka Shucaaca ha qarsoomo, gabalkuna ha madoobaado. Nebigu S.C.W. wuxuu ku celiyey: Deg oo noo diyaari shurbadda. Ninkii wuxuu yiri: Waxaa jira iftiinkii maalinta. Nebigu S.C.W. wuxuu yiri: deg oo noo diyaari shurbadda. Cabdullaah bin Abii Awfaa wuxuu yiri: Ninkii waa degay oo noo diyaariyey shurbad. Nebigu (S.C.W.) intuu cabbay buu isagoo tilmaamaya xagga bariga yiri: ‘ Markii aad aragtaan habeenkii oo halkaas ka yimid (Bari) qofka soommani waa inuu afuraa.’        (Bukhaari iyo Muslim)

1237. Salmaan bin Caamir ad-Dabay as-Saxaabi A.K.R. wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Qofku markii uu afuraayo waa inuu ju afuraa timir. Haddii uusan helin ha ku afuro biyo, maxaa yeelay waa daahir waxna daahiriya.’ (Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri waa xadiis, xasan saxiix ah)

1238. Anas A.K.R. wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu ku afuri jirey intuusan tukan salaadda Maqrib xabbado timir busur ah, haddii uu helin xabbado timir ah oo qallalan, haddii uu iyana sidoo kale helin oo ayan timir engeg ah ool, wuxuu S.C.W. cabbi jirey dhowr kabob oo biyo ah.  (Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri waa xadiis, xasan ah)

 

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:19