Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kitaabo Contents Contact usArrimo Soonka kusaabsan

Home
Up

MAS’ALOOYIN SOONKA LA XIRIIRA

1241. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Markii uu midkiin wax cuno ama cabbo isagoo illawsan inuu sooman yahay, waa inuu kaamishaa soonkiisa ilaa dhamaadka (maxaa yeelay cuniddiisa iyo cabiddiisa isagoo illawsan aan u;a kac u sameyn) waxaa weeye macnaheedu in Alle uu quudiyey oo waraabiyey.       (Bukhaari iyo Muslim).

1242. Laqiid bin Sabrah A.K.R. wuxuu yiri mar baa waxaan u imid Nebiga (S.C.W.) oo ka codasaday inuu wax iiga sheego weesada. Wuxuu S.C.W. yiri:  U weeseyso si dhan oo waafi ah, oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah, aadna u sandaaro, laakiinse haddii aad sooman tahay markaas iska jir sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ahi uga gelin calooshaada xagga sanka. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri waa xadiis, xasan ah).

1243. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Haddii Nebigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo la galmooday Xaas ka mida xaasaskiisa, wuu qubaysan jirey oo soomi jirey sida caadiga ah.        (Bukhaari iyo Muslim).

1244. Caa’isha A.K.R. iyo Umm Salamah A.K.R. waxay yiraahdeen: Mar kastoo Nebigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir aheyn (la galmoodo xaas ka nida xaasaskiisa iyadoo ayan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) wuxuu S.C.W. la imaan jirey qubeys oo soomi jirey. (Bukhaari iyo Muslim).

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

Home
Up

Buuga Martida

Islamic Links

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakar

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Nuuruliimaan

Somalislam

Somali Sunah

Warfawebsite

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright © 2007 Alimuse.com/                                           
19/11/2008 18:14:34