Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Arrimo Soonka kusaabsan

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

MAS’ALOOYIN SOONKA LA XIRIIRA

1241. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Markii uu midkiin wax cuno ama cabbo isagoo illawsan inuu sooman yahay, waa inuu kaamishaa soonkiisa ilaa dhamaadka (maxaa yeelay cuniddiisa iyo cabiddiisa isagoo illawsan aan u;a kac u sameyn) waxaa weeye macnaheedu in Alle uu quudiyey oo waraabiyey.       (Bukhaari iyo Muslim).

1242. Laqiid bin Sabrah A.K.R. wuxuu yiri mar baa waxaan u imid Nebiga (S.C.W.) oo ka codasaday inuu wax iiga sheego weesada. Wuxuu S.C.W. yiri:  U weeseyso si dhan oo waafi ah, oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah, aadna u sandaaro, laakiinse haddii aad sooman tahay markaas iska jir sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ahi uga gelin calooshaada xagga sanka. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri waa xadiis, xasan ah).

1243. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Haddii Nebigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo la galmooday Xaas ka mida xaasaskiisa, wuu qubaysan jirey oo soomi jirey sida caadiga ah.        (Bukhaari iyo Muslim).

1244. Caa’isha A.K.R. iyo Umm Salamah A.K.R. waxay yiraahdeen: Mar kastoo Nebigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir aheyn (la galmoodo xaas ka nida xaasaskiisa iyadoo ayan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) wuxuu S.C.W. la imaan jirey qubeys oo soomi jirey. (Bukhaari iyo Muslim).

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:19