Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Afurinta Dadka

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

AJARKA AFURINTA QOF SOOMMAN IYO U DUCEYNTA QOFKII KU SIIYA AFUR

1264. Zayd bin Khaalid al-Juhani A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu S.C.W. wuxuu yiri: Qofkii siiya cunto afur ah qof kale oo soomman, wuxuu leeyahay ajarkii qofkii soomanaa oo kale, iyadoo aan waxba ka nusqaamin ajarka qofkii soomanaa. (Tirmidi oo yiri waa xadiis saxiix ah).

1265. Umm Cammaarah al-Ansaariyah A.K.R. waxaa laga soo weriyey inuu mar Nebiga (S.C.W.) soo booqday iyada, markaasey xoogaa raashin ah u keentay. Wuxuu S.C.W. warsaday inay cunto iyaduna sidoo kale. Markaasay waxay tiri: Anigu waan soomanahay maanta. Markaasuu wuxuu S.C.W. yiri: Markii dad aan soomaneyn wax ku hor cunaan qof sooman, qofka sooman malaa'igta baa u ducaysa ilaa ay bogaan cunidda ama wuxuu yiri ilaa inta ay ka dhergaan dhereg dhan. (Tirmidi oo yiri waa xadis xasan ah) Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif.

1266. Anas A.K.R. wuxuu yiri: Nebiga baa (S.C.W.) mar wuxuu soo booqday Sacad bin Cubaadah A.K.R. Markaasuu Sacad wuxuu u keenay rooti iyo saliid Nebiga S.C.W. waa uu cunay oo dabadeed yiri: ( Afdara cindakumu-saa’imuun waa akala dacaamakumul-Abraar wa sallat calaykumul-malaa’ikah)  Dad soomman baa idinla afuray idinka, oo dad suubban oo Alle yaqaanna ah baa oontiinnii cunay, iyadoo malaa’igtu idiin duceysey. (Abuu Daawuud, baa sened saxiix ah ku soo weriyey).

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

 

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:19