Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Afurinta Dadka

Home
Up

 

AJARKA AFURINTA QOF SOOMMAN IYO U DUCEYNTA QOFKII KU SIIYA AFUR

1264. Zayd bin Khaalid al-Juhani A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu S.C.W. wuxuu yiri: Qofkii siiya cunto afur ah qof kale oo soomman, wuxuu leeyahay ajarkii qofkii soomanaa oo kale, iyadoo aan waxba ka nusqaamin ajarka qofkii soomanaa. (Tirmidi oo yiri waa xadiis saxiix ah).

1265. Umm Cammaarah al-Ansaariyah A.K.R. waxaa laga soo weriyey inuu mar Nebiga (S.C.W.) soo booqday iyada, markaasey xoogaa raashin ah u keentay. Wuxuu S.C.W. warsaday inay cunto iyaduna sidoo kale. Markaasay waxay tiri: Anigu waan soomanahay maanta. Markaasuu wuxuu S.C.W. yiri: Markii dad aan soomaneyn wax ku hor cunaan qof sooman, qofka sooman malaa'igta baa u ducaysa ilaa ay bogaan cunidda ama wuxuu yiri ilaa inta ay ka dhergaan dhereg dhan. (Tirmidi oo yiri waa xadis xasan ah) Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif.

1266. Anas A.K.R. wuxuu yiri: Nebiga baa (S.C.W.) mar wuxuu soo booqday Sacad bin Cubaadah A.K.R. Markaasuu Sacad wuxuu u keenay rooti iyo saliid Nebiga S.C.W. waa uu cunay oo dabadeed yiri: ( Afdara cindakumu-saa’imuun waa akala dacaamakumul-Abraar wa sallat calaykumul-malaa’ikah)  Dad soomman baa idinla afuray idinka, oo dad suubban oo Alle yaqaanna ah baa oontiinnii cunay, iyadoo malaa’igtu idiin duceysey. (Abuu Daawuud, baa sened saxiix ah ku soo weriyey).

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

 

Home
Up

AM ISLAMIC MEDIA

English & Maths Course

Tafsiir Interactive

Qur'aan Self-Study

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

ISFA Students

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Qardhaawi

Maxamed Umal

Maktabad

Fadxulsalaam

Naseexo

Nasiixa

SomaliQuraan.com

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
31/07/2011 13:48:17