RIYAADU SAALIXIIN
CUTUBKA 6
TAQWADA
IYO ALLE KA CABSIGA
Alle kor ahaaye wuxuu
yiri: :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ

21. "Kuwa
Alle rumeeyow ka Cabsada Alle cabsidiisa Dhabta ah ". (Suuradda aali-Cimraan:Aayadda 102).
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ
22. "Alle
ka cabsada intaad kartaan (ee karaankiina ah) ". (Suuradda al-Taghaabun:Aayadda 16).
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
:قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ

22. " Kuwa Alle rumeeyow ka
cabsada Alle, wax
sanna ku hadla". (Suuradda al-Axsaab:Aayadda 70).
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
:قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ

23. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: " Qofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo
xilkii uu saaray guta, irkad buu u yeelayaa, meel uusan filaynna waa ka
arsaaqayaa". (Suuradda ad-Dalaaq:Aaydda 2-3).
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
:قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ

24. " Kuwa Alle rumeeyow! Haddii aad Alle ka
cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idin saaray gudataan wuxuu idin siinayaa
iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadilka, wuxuuna asturayaa xumaanahiinna,
wuuna idiin dembi dhaafayaa. Allaa dambi dhaafe deeq badane ahe." (Suuradda al-Anfaal:Aayadda
29).
69. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri Nebiga (S.C.W.) waxaa la weydiiyey: Yaa
ugu sharaf iyo xurmad badan dadka dhexdiisa oo ugu mudan? Wuxuu yiri: Kan ugu
Alle cabsiga badan. Asxaabtii rasuulka Waxay yiraahdeen: "Sidaa kuma aannu
weydiin " Wuxuu yiri: Markaa waa Yuusuf oo nebi ahaa oo ina nebi ahaa (nabi
Yacquub) oo ina nabi ka sii ahaa (nabi isxaaq), oo ina nabi ka sii ahaa (nabi
Ibraahim), Alle saaxiibkii. Waxay yiraahdeen: Sidaasna kuma aannu weydiin.
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddaa ma lafaha Carab-baad i weydiiseen. Markaa
ogaada kuwaa lahaa sharafta iyo xurmadda Islaamka ka hor, baa sharaf iyo xurmad
badan markii ay Islaamaanna, waase markii ay diinta dhuuxaan, oo dhaqan geliyaan.
70. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.)
wuxuu yiri: " Adduunyadu waa doog waana macaan tahay. Allena xilkeedii buu idiin
dhiibay, oo inaad danjireyaal ka noqotaan buu idiin doortay, si uu u eego habka
aad uga hawlgaleysaan oo aad ugu dhaqataan adduunka. Markaa iska Jira
dhaldhalaalka adduunka iyo soo jiidashadeeda dhalanteedka ah, iyo fasaatka ka
dhalanaaya ee la xiriira (aan sharci aheyn) ee dumarka (iyo in hawooyinkooda aan
sharciga waafaqsaneyn laga yeelo). Reer banii Israa'iil fidnadii u horraysey
waxay kaga timid xagga dumarka."
(Muslim)
71. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in
Nebigu (S.C.W.) ku duceysan jirey: " Alloow waxaan kaa baryayaa hanuun, Dhowris
xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah (iyo ka
deeqtonaan Aadane)". (Muslim)
72. Caddayi ibn Xaatim (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu
(S.C.W.) yiri: " Haddii uu qof ku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo
dabadeed arko camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka
wanaagsan ee dambe." (Muslim)
73. Abuu Umaamah al-Baahili (A.K.R.) wuxuu sheegay inuuu
dhageystay khudbadii Nebiga (S.C.W.) uu jeediyey xajkii sagootiga khudbaddaas oo
uu ku yiri: " Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Alle iyo amarradiisa, oo ooga
shanta salaadood maalin waliba, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqlana oo
adeeca kuwa xilka iyo mas'uuliyadda idin haya (oo waxaan xumaan aheyn ku adeeca)
waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin. (Tirmiidi) wuxuuna yiri waa
xadiis Xasan ah.
Fiiro gaar ah: Luqad ahaan macnaha taqwada waa inaad ka
joogto oo aad naftaada ka celiso wixii u xun oo dhib u leh. Xagga Xadiiska iyo
Qur'aankase taqwo waxaa loola jeedaa inaad maanka joogto ugu heyso Alle, ood ka
cabsato, xusuusnaato daa'in iyo abad, wuxuu ku faray ku fartoonto, wuxuu kaa
reebayna ka reebtoonto, taasna waxay kuu horseedeysaa oo ku siineysa aragti iyo
ileys aad ku kala saarto samaha iyo xumaanta, dareenka iyo fahamkaasi qofku
wuxuu ku hoggaaminayaa xagga samaha iyo kherka, kana hor istaagayaa xumaha iyo
sharka oo idil.

admin@alimuse.com
|