Nebi Muxammed (NNKH) markii uu dhamaystay Xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegnayd sannaddii 10aad ee Hijriyada ayuu hor istaagey Irridda laga galo Kacbada barakeysan isagoo gacanta ku haya Furihii Albaabkaas, Isla markaana wuxuu Asxaabtii ku ydhi:- MA IDIIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO? Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa Asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nebiga CSW ayaa yidhi:- Haa Yaa Rasuulu Allah CSW noo sheeg' Rasuulka ayaa markaa yidhi:- ' Xaqiiqo ahaan, Astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacaddii Qiyaame waxaa ka mid ah:-
Inay dadku Salaadda dhayalsadaan ama ay sahashadaan ama ay fududaystaan.
Dadku waxay u hoggaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda ama waxa ay naftoodu jeceshahay.
Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, Waxayna aad u xushmayn doonaan dadka maalqabeenka ah.
Waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo.
Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muuminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida milixda ama cusbada ay ugu milanto biyaha, Waayo Muuminku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantimeeyey oo lagu dhaqmayo ama la xalaashanayo mana awoodi karo inuu wax ka beddelo.
Salmaan ayaa markaa yiri:- Waxaasi ma dhici doonaan:- Yaa Rasuulu Allaah "CSW"? Rasuulka "CSW" ayaa yiri:- Haa! waxaan ku dhaaranayaa Rabbiga ay nafteyda ay gacantiisa ku jirto'e, isagoo raaciyey:
Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo daallimiin ah, Wasiirraduna waxay noqon doonaan kuwo caasiyiin ah, kuwa xilalka loo dhiibo ee ammaanada lagu aamminaa waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya.
Xaqiiqdii wakhtigaas xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaaggana waxaa loo arki doonaa xumaan.
Kuwa wax khiyaameeya waxaa loo arki doonaa kuwo aammin ah, Kuwa aamminka ahna waxaa loo arki doonaa inay wax khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la aammini doonaa, Halka kan runta sheegaya loo arki doono inuu beenaale yahay.
Waqtigaas waxaa kale oo jiri doona maamullo ay haween ka taliyaan.
Khiyaamada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo.
Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyadoo qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax.
Hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay oo kale.
Dadku diinta ayeey dhulka dhigi doonaan, Dunidana kor baa loo qaadi doonaa.
Waqtigaasi waxaa badan doona furriinka ragga iyo haweenka.
Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.
Laakiin taasi mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa maaha.
Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado muusik ah.
Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummaddayda.
Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadayda waxay Xajka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal caadi ah ku jira oo kale iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxay u tegi doonaan is tustus.
Waxaa soo bixi doona dad baran doona Qur'aanka kariimka ah, badibase ujeeddadoodu maaha Allaah dartiis, Waxayna Qur'aanka ka dhigan doonaan sida aaladda muusik ah.
Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona oo iyaguna aan Allaah dartiis sidaas u samayneyn.
Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan.
Waxani oo dhammi waxay dhaci doonaan, Mar xushmaddii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka haystaan kuwa wanaagsan.